Dowladda Kenya oo xaqiijisay in 6 Askari looga dilay weerar ka dhacay Wajeer.

Wednesday April 15, 2020 - 12:15:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kenya oo xaqiijisay in 6 Askari looga dilay weerar ka dhacay Wajeer.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorshaysan oo dagaalyahanno katirsan Xarakada Shabaabul mujaahidiin ay maalin ka hor ka fuliyeen mid kamida deegaannada dhulka NFD ee kujira gummeysiga dowladda Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorshaysan oo dagaalyahanno katirsan Xarakada Shabaabul mujaahidiin ay maalin ka hor ka fuliyeen mid kamida deegaannada dhulka NFD ee kujira gummeysiga dowladda Kenya.


War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu xaqiijiyay in khasaara xooggan uu ka dhashay weerarka oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Wajeer ee dhulka Soomaalida NFD balse dowladda Kenya ay ula baxday "gobolka waqooyi Bari".

Nin lagu magacaabo Max'med Cabdi oo dowladda Kenya ugu magacaaban guddoomiyaha gobolka Wajeer ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka oo ka dhacay deegaanka Khorof Harar uu sababay dhimashada 6 askari oo katirsan ciidamada booliska.


wuxuu sheegay in isagu uu ka qeyb galay aaska qaar kamid ah ciidamada lagu dilay weerarka Shabaabul Mujaahidiin ay ka fulisay Wajeer, Max'med Cabdi ayaa walaac ka muujiyay weerarada mujaahidiinta ee kusii kordhaya dhulka NFD.

Warbaahinta maxalliga ah ee Kenya ayaa sheegtay in weerar dhabagal ah oo dhacay isniintii lasoo dhaafay uu khasaara badan gaarsiiyay ciidamo katirsan booliska gobolka Wajeer xilli ay ku socdaalayeen deegaanka Khorof Harar,saraakiil katirsan maamulka gobolka ayaa madaxda booliska ku eedeeyay in ay ku guuleysan waayeen joojinta weerarada ka imaanaya Al Shabaab.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan cudub ee lagu dilay askarta Kenyaatiga ah sida ay xalay baahisay Idaacadda Islaamiga Andalus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items