Sheekh Abuubakar Shekaawa oo soo diray Farriin uu ku beeninayo in ladilay.

Wednesday April 15, 2020 - 20:30:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 23 3
  • Share via Social Media

    Sheekh Abuubakar Shekaawa oo soo diray Farriin uu ku beeninayo in ladilay.

    Hoggaamiyaha Jamaacada Ahlusuna Lidacwati Waljihaad ee loo yaqaan Boko Haram ayaa jeediyay kalimad cusub oo uu uga hadlayo dagaalka ay xoogaga jamaacadiisa uga jiraan wadamo dhowr ah oo ku hareeraysan wadanka Nigeria.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha Jamaacada Ahlusuna Lidacwati Waljihaad ee loo yaqaan Boko Haram ayaa jeediyay kalimad cusub oo uu uga hadlayo dagaalka ay xoogaga jamaacadiisa uga jiraan wadamo dhowr ah oo ku hareeraysan wadanka Nigeria.


Sheekh Abuubakar Shekaawa ayaa kalimaddiisa si aad ah ugu beeniyay warar sheegayay in isaga lagu dilay weerar maalmo ka hor melleteriga Jaad ay ka fuliyeen Harada Jaad ee ku teedsan wadamada Nigeria,Jaad iyo Kaamiruun.

Kalimaddiisa oo la dhageysan karo 45 daqiiqo ayuu si aad ah ugu dheeraaday ka hadalka dagaalka ka socda dhowr wadan oo dhaca galbeedka qaaradda Afrika wuxuuna wax aan sal iyo raad laheyn ku tilmaamay sheegashadii katimid idiris deebi madaxweynaha jaad ee aheyd in 90% ay burburiyeen awoodii Boko Haram.


isagoo hadalkiisa sii wata ayuu reergalbeedka oo mareykanku ugu horreeyo ku eedeeyay in ay xasuuq ku hayaan muslimiinta wuxuuna goodis udiray dowladaha dabadhilifyada ah ee ku lugta leh duullaanka lagu qaaday muslimiinta galbeedka qaaradda Afrika gaar ahaan Nigeria.

dabayaaqadii bishii maarso ee lasoo dhaafay ayay dagaalyahanada Jamaacada Ahlusuna lidawacwatil waljihaad ee Boko Haram loo yaqaan waxay qaadeen weerarkii ugu khasaaraha badnaa oo abid ay lakulmaan ciidamada dowladda dabadhilifadda Jaad waxaana weerarkaas ku dhintay ugu yaraan 100 askari.

Shakaawa ayaa ugu dambeyntii ballan qaaday in ay kusii socan doonaan dhabihii uu jihaadka Nigeria ujeexay sheekh Maxamed Yuusuf hoggaamiyihii hore ee jamaacada ayna dagaalka sii wadayaan illaa ay dib ugasoo celinayaan nidaamkii islaamiga ahaa ee galbeedka afrika ka talin jiray.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items