Al Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda dilal ka dhacay Muqdisho,Ceelasha iyo Beled Weyne.

Thursday April 16, 2020 - 13:19:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 7
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda dilal ka dhacay Muqdisho,Ceelasha iyo Beled Weyne.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.


Xalay fiidkii ayay xoogag hubaysan xaafadda Dabakaaya madoow  degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho, rag hubaysan ayaa dilay sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Cabdullaahi kaasi oo katirsanaa ciidamada sirdoonka qeybta dharcadka loo yaqaan.

Sidoo kale weerar shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee galbeedka Muqdisho ayaa lagu dilay askari katirsan ciidanka dowladda mid kalane dhaawac ayaa kasoo gaaray.


Xoogag katirsan Al Shabaab ayaa wadada ugalay ciidamo watay moota dhug dhugleey waxayna dileen hal askari iyadoona dhaawac culus uu soo gaaray askari kale, xoogagii weerarka geystay ayaa horay usii qaatay qori AK47 ah oo uu watay askariga ladilay.

Dhinaca kale weerar hubaysan oo xalay ka dhacay xaafadda Buunda weyn ee magaalada Beled Weyne ayaa sababay dhimashada hal askari, goob joogayaal ayaa sheegay in xoogagii weerarka geystay ay horay usii qaateen qori iyo boosh uu watay askariga ladilay.

dhammaan mas'uuliyadda dilalkii ka dhacay Muqdisho,Ceelasha Biyaha iyo Beled qeyne waxaa sheegtay Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items