inkabadan 31,000 qof American ah oo Carona ugu dhintay dalka Mareykanka.

Thursday April 16, 2020 - 20:06:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 6 0
  • Share via Social Media

    inkabadan 31,000 qof American ah oo Carona ugu dhintay dalka Mareykanka.

    Dadkii ugu badanaa ayaa maalin qura gudaha Mareykanka ugu geeriyooday cudurka Carona Virus, wararka ka imaanaya Mareykanka ayaa sheegaya in shalay oo kaliya ay Carona udhinteen 5,000 oo ruux sida ay sheegtay jaamacadda Johns Hopkins.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadkii ugu badanaa ayaa maalin qura gudaha Mareykanka ugu geeriyooday cudurka Carona Virus, wararka ka imaanaya Mareykanka ayaa sheegaya in shalay oo kaliya ay Carona udhinteen 5,000 oo ruux sida ay sheegtay jaamacadda Johns Hopkins.


Waa markii ugu horraysay ee maalin qura tira intaan la eg maalin qura ay Carona ugu dhintaan caalamka, guddiga caafimaadka ee qaabilsan ladagaallanka Carona ayaa magaalada Washington ka sheegay in shalay ay u aheyd maalin madoow kadib markii ay hoobteen kumanaan qof kuwa kalane uu cudurku soo ritay.

Gobolka New York ayaa wali ah meesha ugu daran ee dadku ugu dhimanayaan caabuqa Corona Virus waxaana kusoo xiga Washington oo kumanaan kun ay ku halaagsameen, dadka Americanka ah ee Covid19 u dhintay ayaa kor udhaafay 31,000 oo ruux, wadanka Talyaaniga ayaa ku jira kaalinta labaad waxayna dhimashadu kor udhaaftay 20,00 oo ruux.


illaa iyo hadda majirto dowlad soo saartay daawo lagula tacaalo cudurka dilaaga ah ee Carona Virus, dhinaca kale dowladaha qaaradda Yurub ayaa ku dhawaaqay in ay sare uqaadeen xaaladda karaantiilka ah oo ay geliyeen muwaadiniintooda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items