Ciidamada Ammaanka Sacuudiga oo si arxan darra ah udilay Sheekh caan ah.

Thursday April 16, 2020 - 12:33:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Ciidamada Ammaanka Sacuudiga oo si arxan darra ah udilay Sheekh caan ah.

    Weerar ay ciidamada dowladda Sacuudiga ka fuliyeen gobolka Tabuuk ee dhulka Xarameynka ayaa ku dileen Sheekh caan ku ahaa in uu dhaleeceeyo nidaamka faasidka ah ee uu madaxda ka yahay Max'med Bin Salmaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar ay ciidamada dowladda Sacuudiga ka fuliyeen gobolka Tabuuk ee dhulka Xarameynka ayaa ku dileen Sheekh caan ku ahaa in uu dhaleeceeyo nidaamka faasidka ah ee uu madaxda ka yahay Max'med Bin Salmaan.


War rasmi ah oo kasoo baxay ciidamada qaabilsan ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada ayaa lagu sheegay in toogasho ka dhacday mandiqadda Tabuuk ay sababtay dhimasahda Sheekh Cabdi Raxiim Al Xuweydi.

Dowladda Sacuudiga ayaa dilka sheekha marmarsiimo uga dhigtay in uu hubeysnaa uuna abaabulayay weeraro ka dhan ah ciidamada ammaanka sida ay hadalka u dhigtay.


Sheekha maanta ladilay ayaa horay u sheegay in dowladda Sacuudiga ay dil umaleegayso ayna dili doonto iyadoo ku marmarsiyoonaysa in uu hubaysnaa uuna katirsan yahay xoogag jihaadi ah.

Wadaadka ladilay ayaa caan ku ahaa in uu mucaarado dhismaha mashruuca fisqiga ah ee loogu yeero Niyuum iyo hay'adda waxa loogu yeero tamashlaynta ee fasaadka ka wadda dhulka xarameynka.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda ammaanka Aala Sacuudiga ayaa lagu sheegay in guriga lagu dilay Sheekh C/Raxiim lagasoo helay saanado hub ah islamarkaana uu dhaawacay 2 sarkaal sacuudiyaan ah sida hadalka loo dhigay.

Qaabka dowladda Sacuudiga ay udishay Sheekha kadibna ay uga hadashay waa isla qaabkii uu sheekhu horay usaadaaliyay in loo dilo doono kadibna dadka loo jiha wareerin doono, dowladda Sacuudiga waxaa majaraha u haya wiil dhalinyaro dabadhilif u ah reergalbeedka islamarkaana doonaya in uu fasaadiyo shacabka ku dhaqan dhulka Xarameynka.

Kumanaan kun oo kamid ah culimaa'udiinka iyo ducaadda Xarameynka ayaa ku jilba xiran xabsiyada halka qaar kamid ah culimadaas si hoose loo dilay halka kuwa kale lala'yahay halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items