Cali Jayte Cusmaan oo inqilaab aan dhiig ku daadan kula wareegay xarumaha maamulka Hiiraan.

Thursday April 16, 2020 - 13:02:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Jayte Cusmaan oo inqilaab aan dhiig ku daadan kula wareegay xarumaha maamulka Hiiraan.

    Wararka ka imaanaya magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in isbedel dhanka maamulka ah uu xalay saqdii dhexe ka dhacay magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in isbedel dhanka maamulka ah uu xalay saqdii dhexe ka dhacay magaaladaasi.


Ciidamo hubeysan oo daacad u ah guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ayaa xalay saqdii dhexe la wareegay dhammaan xarumihii maamulka magaalada iyo saldhigyo ciidan oo horay uu gacanta ugu hayay Cali Maxamed Caraalle oo dhowaan xilka qaadis lagu sameeyay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Cali Jayte Cismaan guddoomiyaha cusub ee gobolka uu si hoose ula heshiiyay ciidamadii taabacsanaa Caraale kadibna ay si nabad gelya ah xarumaha muhiimka ah ugu gacan geliyeen maamulka cusub.


Saaka markii uu waagu baryay ayaa xarumaha maamulka lagu arkay mas'uuliyiin cusub oo ku shaqeynaya iyadoona Caraale uusan haysan hal askari oo ilaala u ah, arrintan ayaa si aad ah looga hadal hayaa bariga magaalada Beled Weyne waxayna dadku ku tilmaameen Inqilaan aan dhiig ku daadan oo lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee gobolka.

Max'med Waare oo ah madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa dhowaan maamu cusub magacaab balse magacaabistaas ayaa khilaaf siyaasadeed ka dhalisay magaalada Beled weyne.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items