Wariye Cabdi Caziiz Gurbiya oo xuriyaddiisa dib uhelay.

Saturday April 18, 2020 - 19:59:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Cabdi Caziiz Gurbiya oo xuriyaddiisa dib uhelay.

    Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa amartay in damiin lagusii daayo agaasime ku xigeenkii warbaahinta Goobjoog ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa amartay in damiin lagusii daayo agaasime ku xigeenkii warbaahinta Goobjoog ee magaalada Muqdisho.


Wariye Cabdi Caziiz Axmed Gurbiye ayaa xabsiga lagasii daayay kadib markii kiiskiisa ay farageliyeen xildhibaanno iyo siyaasiyiin ku sugan magaalada Muqdisho, ilo wareedyo ayaa sheegaya in damiin lagusii daayay iyadoo aan wax maxkamad ah lasoo taagin.

Xariga Wariyaha waxaa mas'uul ka ahaa Max'med Cabdullaahi Farmaajo oo dhibsaday qoraal uu Gurbiye ku faafay bartiisa Facebook-ga kuna sheegay in saraakiisha madaxtooyada ay leexsadeen qalab uu loo waday isbitaalka Martiini si loogula tacaalo bukaanada qaba xanuunka Carona Virus.


Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caburisa wariyaasha iyadoo aan ogolayn in ay faafiyaan wararka ku saabsan xaqiiqda dalka kajirta, wariyaasha ku dhiirada in ay sheegayaan tacadiyaatka ay ciidamada huwanta ah ugeystaan shacabka rayidka ah ayaa lakulmay caga jugleyn iyo xarig.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items