Sawirro:+Codad: Xaflad Heer sare ah oo loo Qabtay Arday Dhameysay Qur'aanka Kariimka.

Sunday April 19, 2020 - 10:59:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 117 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:+Codad: Xaflad Heer sare ah oo loo Qabtay Arday Dhameysay Qur'aanka Kariimka.

    Mu'assasada tacliimiga ah ee Al-Utrujja oo xarumo kala duwan ku leh qaar kamid ah wilaayaadka islaamiga ee Soomaaliya, ayaa faraceeda gobolka Shabeellaha Hoose waxay dhigtay munaasabad aad u ballaaran oo lagu maamusayay Ardey dhameystay Qur'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mu'assasada tacliimiga ah ee Al-Utrujja oo xarumo kala duwan ku leh qaar kamid ah wilaayaadka islaamiga ee Soomaaliya, ayaa faraceeda gobolka Shabeellaha Hoose waxay dhigtay munaasabad aad u ballaaran oo lagu maamusayay Ardey dhameystay Qur'aanka Kariimka.


Munaasabadda waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin katirsan Wilaayada islaamiga ee Shabeellaha Hoose, Culimada Diinta Islaamka iyo Waxgaradka, waxaana ardeyda dhameysay Qur’aanka ay tiradoodu gaareysay afar iyo toban Arday.

Waxaa Shahaadooyin iyo abaal marino qaali ah la gudboonsiiyay ardeyda dhameysay Qur’aanka kariimka, halka sidoo kale la abaal mariyay ardey kale oo kaalmaha hore u galay fasallo katirsan mu’assasada Al-Utrujja.

Wariyaal katirsan Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa ka qeygalay munaasabadda, waxayna kasoo qaadeen sawirro qurux badan.

Halkan ka dhagayso Warbixin ku aadan Munaasabadda Mu’assasada Al-Utrujja.lite



























Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items