Askari katirsan ciidanka Uganda oo siyaab leh loogu dilay degmada Baraawe.

Sunday April 19, 2020 - 12:34:00 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari katirsan ciidanka Uganda oo siyaab leh loogu dilay degmada Baraawe.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in weeraro khasaara dhaliyay markale lagu qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore ciidamo Yugaandheys ah oo Soomaaliya ku sugan
Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in weeraro khasaara dhaliyay markale lagu qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda.


Weerar toogasho ah oo xoogag katirsan Al Shabaab ay ka fuliyeen gudaha saldhigga ciidanka Yugaandha ee deegaanka Ambareeso ayaa sababay dhimashada hal askari.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in shiishyahanno katirsan Al Shabaab ay toogteen askariga kadina ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen, dad ku sugan magaalada Baraawe ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka kadib ay ciidamada AMISOM madaafiicda goobta ku duqeeyeen banaanka deegaanka Ambareeso.


Dhinaca kale weeraro ayaa si isku mid ah loogu beegsaday saldhigyada ciidamada Yugaandha iyo maleeshiyaadka dowladda ee kuyaal deegaanka Golweyn oo udhaxeeya degmooyinka Shalaambood iyo Buula Mareer.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items