Qaraxyo Lix gaaraya oo ciidamada Itoobiya lagula beegsaday duleedka Bardaale.

Sunday April 19, 2020 - 20:18:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Lix gaaraya oo ciidamada Itoobiya lagula beegsaday duleedka Bardaale.

    Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada Xabashida Itoobiya kasoo gaaray weeraro hor leh oo lagula beegsaday gobolka Baay ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada Xabashida Itoobiya kasoo gaaray weeraro hor leh oo lagula beegsaday gobolka Baay ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in silsilado qaraxyo ah maanta gelinkii dambe ciidamada Itoobiya lagula eegtay inta udhaxaysa deegaanka Awdiinlle iyo degmada Bardaale.

Warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya Lix qarax lagula beegsaday duleedka Bardaale xilli halkaas ay ku socdaalayeen, wariyaal ku sugan gobolka Bakool waxay sheegeen in habqanka Itoobiyaanka qaraxyo is xigxigay siyaaba kala duwan lagula beegsaday.


Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidamada qaraxyada lala helay ay dambiyeen isgaarsiinta deegaannada ay ku socdaalayaan waxaana larumeysanyahay in khasaara xooggan uu ka dhashay qaraxyadii maanta.

Kumanaan katirsan Melleteriga Itoobiya oo dabayaaqadii bishii Maarso kasoo gudbay xuduud beenaadka kala qeybiya Soomaaligalbeed iyo gobolka Gedo ayaa dhibanayaal u ah weerarada tooska ah iyo qaraxyada uga imaanaya dhanka dagaalyahanada Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items