Faah Faahin: Gaadiid Xamuul ah oo ciidamada Itoobiya looga gubay gobolka Baay.

Monday April 20, 2020 - 13:47:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Gaadiid Xamuul ah oo ciidamada Itoobiya looga gubay gobolka Baay.

    Sida ay wararku sheegayaan khasaara xooggan ayaa ciidamada Xabashida Itoobiya kasoo gaaray weeraro culus oo shalay lagula beegsaday deegaanno katirsan gobolka Bay ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay wararku sheegayaan khasaara xooggan ayaa ciidamada Xabashida Itoobiya kasoo gaaray weeraro culus oo shalay lagula beegsaday deegaanno katirsan gobolka Bay ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in 2 gaari oo nuuca Uuraalka ah ciidamada Itoobiya looga gubay illaa 6 qarax oo shalay lagula beegsaday wadada xiriirisa degmada Bardaale iyo deegaanka Awdiinlle.

Dad ku sugan gobolka Baay ayaa sheegay in ay sheedda ka arkeen gaadiid ku gubanaya wadada hareeraheeda, wararka ayaa intaas ku daraya in 2 sarkaal Miina baarayaal Itoobiyaan lagu dilay qaraxyada xilli ay luganayeen ayna isku dayayeen in ay miino ka baaraan wadada.


Ciidamada Itoobiya oo meydad iyo dhaawacyo wata ayaa la sheegay in raacoodi ugu horreeyay uu gaaray deegaanka Awdiinle halka habqanka ciidamada qaar uu wali ku jiro wadada.

Daba yaaqadii bishii Maarso ee lasoo dhaafay ayay ciidamadan Itoobiyaanka ah kasoo gudbeen xuduud beenaadka wuxuuna ujeedkoodu yahay in ay Baydhabo gaaraan halkaas oo uu kuyaal taliska ciidanka Itoobiya ee gummeysiga ku jooga gobollada Bay iyo Bakool.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items