Ciidamada Xukuumadda Alwifaaq oo hareereeyay magaalo kutaal wadanka Liibiya.

Monday April 20, 2020 - 19:23:12 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Xukuumadda Alwifaaq oo hareereeyay magaalo kutaal wadanka Liibiya.

    isbedello dhanka maamulka ah ayaa lagasoo calaamadeeyay qeybo katirsan wadanka liibiya ee dhaca waqoyiga qaaradda afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

isbedello dhanka maamulka ah ayaa lagasoo calaamadeeyay qeybo katirsan wadanka liibiya ee dhaca waqoyiga qaaradda afrika.



Wararka ka imaanaya Liibiya ayaa sheegaya in ciidamada xukuumadda dabadhilifka Alwifaaq ay la wareegeen magaalooyin iyo deegaanno istiraatiiji ah oo ay horay ugu sugnaayeen maleeshiyaadka Khaliifa Xaftar.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada xukuumadda Dabaarubulis ay kaabiga ku hayaan magaalada Tarhuuna ee galbeedka dhacda islamarkaana ah taliska ciidamada xaftar ee weerarka ku ahaa magaalada caasimadda ah ee Daraabulis.

Wariyaal ayaa sheegay in dagaallo culus ay ka socdaan gudaha magaalada iyo hareeraheeda,kumanaan katirsan ciidamada xukuumadda Alwifaaq ayaa dadaal ugu jira sidii ay uqabsan lahaayeen magaaladan oo haddii riyadooda urumoowdo waxba kama jiraan ka dhigi doonta howlgalkii xulufada xaftar ee ay ku doonayeen in ay wadanka oo idil ku saydareeyaan.



Magaalada Tarhuuna ayaa qiyaastii 90Km dhanka koonfur bari uga beegan daraabulis waxayna isku xirtaa gobollada kala duwan ee wadanka.

Dagaallo cirka iyo dhulka ah ayaa lasoo sheegayaa in ay ka socdaan Tarhuuna,diyaarado dagaal oo ay leedahay xukuumadda Alwifaaq ayaa duqeynaya sufuufta maleeshiyaadka xaftar halka madaafiicda goobta ay ku hoobanayaan xaafado magaalada katirsan.

Isbuucii lasoo dhaafay ayay aheyd markii ay ciidamada xukuumadda Alwifaaq ee taageerada ka helaysa Turkiga ay lawareegeen saldhigyo iyo magaalooyin kaabiga ku haya xuduud beenaadka Liibiya ay la wadaagto dalka Tuunis.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in horumarkan ay dhanka dhulka ka sameynayaan ciidamada xukuumadda ay sabab u tahay cudurka Carona Virus oo hakad geliyay taageeradii uu xaftar ka heli jiray dowladaha reergalbeedka iyo kuwa khaliijka oo ay ugu horreeyaan ruushka,Faransiiska iyo imaaraatka carabta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items