Hoos udhac Taariikhi ah oo ku yimid qiimaha lagu iibsado Shidaalka Mareykanka.

Tuesday April 21, 2020 - 12:23:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 20 0
  • Share via Social Media

    Hoos udhac Taariikhi ah oo ku yimid qiimaha lagu iibsado Shidaalka Mareykanka.

    Waxaa si lama filaan ah dhulka ugu hoobtay qiimaha lagu kala iibsado shidaalka cayriin ee gudaha wadanka Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa si lama filaan ah dhulka ugu hoobtay qiimaha lagu kala iibsado shidaalka cayriin ee gudaha wadanka Mareykanka.


Suuqyada shidaalka Mareykanka waxaa kajira khal khal aad usaameeyay dhaqaalaha wadamada dhaca waqooyiga qaaradda America, halkii barmiil ee nafta ah ayaa gaaray wax ka yar hal dollar arrinkaas oo ka yaabiyay malaayiin qof American ah.

Sayladaha suuqyada Mareykanka ee lagu kala iibsado shidaalka wuxuu halkii barmiil ka marayaa 0,56 dollar taas oo ka dhigan in hoos udhacii ugu xumaa taariikhda uu ku yimid shidaalka Mareykanka.

Dhaqaalayahannada Americanka ah waxay sheegeen in wixii dhacay ay ahaayeen wax aan marnaba lasaadaalinayn islamarkaana uu halis gelin karo dhaqaalaha Mareykanka xilligan adag ee uu caalamka dhibaatada ku hayo cudurka Carona Virus.


Heshiis dhowaan ay gaareen dowladaha Sacuudiga iyo Ruushka oo ku aadanaa in ay dhimaan shidaalka ay sida maalinlaha ah usoo saaraan ayaan badbaado unoqon shidaalka Cayriin ee dalka Mareykanka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items