Qarax 7 Askari lagu dilay oo ka dhacay deegaan katirsan Sh/hoose.

Tuesday April 21, 2020 - 14:02:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 43 2
  • Share via Social Media

    Qarax 7 Askari lagu dilay oo ka dhacay deegaan katirsan Sh/hoose.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in qarax khasaara xooggan dhaliyay lagula beegsaday maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu tababaray saldhigga Balidoogle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in qarax khasaara xooggan dhaliyay lagula beegsaday maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu tababaray saldhigga Balidoogle.


Ugu yaraan 7 askari oo ah kuwa loo yaqaan Bangaraafta ee Mareykanku tababaray ayaa dhintay sedax kalane dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii gaarigii ay la socdeen qarax miino lagula eegtay deegaan ku dhow Lambar 60 ee duleedka magaalada Marka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in miino dhulka lagu aasay ay ku qaraxday gaari Cabdi Bile ah oo qeyb ka ahaa kolonyo gaadiid ah oo ka yimid dhanka degmada Afgooye, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax aad u xooggan.


Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxan askarta badan lagu dilay ee ka dhacay Sh/hoose, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska ciidanka dowladda oo ku aaddan qaraxan khasaaraha dhaliyay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items