Hoggaamiyaha Sacuudiga oo ogolaaday in Salaadda Taraawiixda lagu tukado Xarameynka.

Wednesday April 22, 2020 - 10:43:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha Sacuudiga oo ogolaaday in Salaadda Taraawiixda lagu tukado Xarameynka.

    Dowladda Sacuudiga ayaa markale soo saartay go'aano ku saabsan tukashada salaadda Taraawiixda marka lagaaro bisha barakaysan ee Ramadaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Sacuudiga ayaa markale soo saartay go'aano ku saabsan tukashada salaadda Taraawiixda marka lagaaro bisha barakaysan ee Ramadaan.


Guddiga Arrimaha Xarameynka ayaa sheegay in Salmaan Bin C/Caziiz oo ah boqorka Aal Sacuud uu ogolaaday in salaadda Taraawiixda lagu dukato labada Masjid ee Xarameynka kuwaas oo ku kala yaal magaalooyinka Makka iyo Madiina.

"Boqor Salmaan Bin C/caziiz wuxuu ogolaaday in salaadda Taraawiixda lagu oogo Xarameynka Shariifeynka ah iyadoo la khafiifiyay lagana dhigay illaa 5 salaama naqsi" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay guddiga arrimaha Xarameynka.


Maalintii Talaadada ee lasoo dhaafay ayay wakaaladda wararka ufaafisa Sacuudiga waxay sheegtay in gabi ahaanba lamamnuucay in masaajidda Xarameynka lagu tukado salaadda Taraawiixda arrinkaas oo ka caraysiiyay malaayiin muslimiin ah.

inta badan dowladaha maamula wadamada caalamka islaamka ayaa soo saaray go'aano ay ciriiri ku gelinayaan goobaha cibaadada iyagoo ku marmarsiyoonaya ka hor tagga caabuqa Carona Virus ee dadka badan ku laynaya dalal ubadan Yurub iyo Mareykanka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items