Askari lagu tababaray saldhigga Balidoogle oo Muqdisho lagu dilay.

Thursday April 23, 2020 - 12:06:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari lagu tababaray saldhigga Balidoogle oo Muqdisho lagu dilay.

    Magaalada Muqdisho waxaa lagu toogtay askari katirsan ciidamada uu Maraykanka tababaray ee loo yaqaano Bankrafta ee lagu tababaray saldhigga Mareykanka Balidoogle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho waxaa lagu toogtay askari katirsan ciidamada uu Maraykanka tababaray ee loo yaqaano Bankrafta ee lagu tababaray saldhigga Mareykanka Balidoogle.


Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Heliwaa ee Muqdisho ku toogtay askari magaciisa lagu soo gaabiyay Maxmuud.

Ragga dilka geystay ayaa goobta si nabad geliyo ah uga dhaqaaqay dilka kadib, waxaana meydka askariga goor dambe qaaday ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka.

Dilka askarigan wuxuu imaanayaa iyadoo maalintii shalay sidan oo kale rag katirsan Xarakada Al-Shabaab ay degmada Kaaraan ku dileen sarkaal saddex xidigle ah oo katirsan booliiska Dowladda federaalka.



Taliyaha Booliiska Dowladda federaalka ayaa ka tacsiyeeyay dilka sarkaalkaas oo sidoo kale ahaa Abwaan afka ugu adeega Shisheeyaha Soomaaliya duulaanka ku jooga.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items