6 Arimood oo ay la Gaar Ahaayeen Go'aanadii Kasoo Baxay Shirweynihii Al Shabaab

Thursday April 23, 2020 - 15:20:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 4 1
  • Share via Social Media

    6 Arimood oo ay la Gaar Ahaayeen Go'aanadii Kasoo Baxay Shirweynihii Al Shabaab

    Kadib markaan akhriyay qodobadii kasoo baxay shirka ay qabatay xarakada al-Shabaab, xafiiskeeda qaabilsan siyaasada, go'aanada ay soo saareen ka qeybgalayaasha, kuwaas oo ku qornaa Luuqadaha Soomaaliga iyo English-ka waxay la gaar ahaayeen lix (

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markaan akhriyay qodobadii kasoo baxay shirka ay qabatay xarakada al-Shabaab, xafiiskeeda qaabilsan siyaasada, go'aanada ay soo saareen ka qeybgalayaasha, kuwaas oo ku qornaa Luuqadaha Soomaaliga iyo English-ka waxay la gaar ahaayeen lix (6) qodob kuwaas oo aan doonayo inaan ku gorfeeyo qormadan kooban:



1- Jihaad Fardu-Ceyn ah:

Qodobka 1aad ee war murtiyeedka ayaa waxaa lagu yiri: "waa in Mujaahidiintu ay sii xoojiyaan Jihaadka fardu-ceynka ee ay ku difaacayaan Diinta, Dalka iyo Dadka Muslimiinta.”.

Shirarka waaweyn iyo go'aanada siyaasadeed ee maamulada kajira dalka inta badan laguma soo hadal qaado ereyga Jihaad, Halgan iyo erayo ka tarjumaya gumeysi-diidnimo. Ereyga jihaad ayaa la adeegsan jiray xiliyadii ay muslimiintu awooda lahaayeen dunidana ka talin jireen. Taariikhyahanada muslimiinta ayaa qoraalo badan ka sameeyay Jihaadkii uu galay Nabigeena suuban nabadgelyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee, Alshabaab ayaa sheegta iney u halgamayaan sidey usoo celin lahaayeen dowladii islaamka, taasoo burubrkeedii laga joogo kudhawaad halqarni.



Jihaad iyo mujaahidiin waa ereryo ay adagtahay in uu ka hadalkeeda ku dhiirado qofka qurba joog ah ee ila midka ah, qofkii wax ka qorana wuxuu halis gelinayaa noloshiisa iyo tan qoyskiisa. Shirkan oo lagu sheegay in kasoo qeybgalayaashiisu kor u dhaafayeen 100 xubnood ayaa u bareeray iney ka horyimaadaan awoodaha ka taliya dunida ee diidan in ay dhisanto dowlad islaami ah oo ka madax banaan nidaamka caalamiga ah ee uu hormuudka ka yahay Mareykanka.

Dowlada Mareykanka ayaa Al-Shabaab ku dartay liiska waxa ay ugu yeeraan argagixisada caalamiga ah sanadkii 2008, kooxda ayaa weeraro ka geystay goobo ka baxasan xuduuda Soomaaliya, oo uu u dambeeyey weerarkii 05 January ay ku buruburiyeen qeybo badan oo kamid ah xerada Mareykanku ku leeyahay Kenya ee Manda Bay.

2- Maamulka Villa Soomaaliya oo ka Baxay Diinta Islaamka

Qodobka 3aad ee warmurtiyeedka ay soo saareen ka qeybgalayaasha shirka, waxaa lagu sheegay: "In waxa loogu yeero dowladda federaalka iyo maamullada gaaladu kadhiseen qaybo kamid ah Soomaaliya ay yihiin maamullo ridda ah, diinta Islaamkana ka baxay, waajibna ay tahay in lala dagaalamo".

Aragtida lagu dhisay go’aankaas ayaa waxaa aad loogu faahfaahiyay fatwada ay soo saareen 40 culimo-diineed taageersan ururka oo ay kamid yihiin culimo aad looga garanayo dalka. Sheykh Jaamac Cabdisalaam, Sheykh Maxamed Bashaar, Sheykh Axmed Dheere ayaa muuqaaladooda laga arkayey sawiradii shirka laga soo qaaday ee ay baahisay kooxdu.

Al-Shabaab ayaa aaminsan in maamulka farmaajo uu dalka u gacan geliyay itoobiya iyo kenya oo ay kooxdu u aragto iney gumeystayaal yihiin, aragtidaas ayaa ah mid ay soomaali badan la wadaagaan kooxda.

Kitaabka quraanka oo aan dalka lagu maamulin, joogitaanka ciidamada shisheeyaha ee ilaaliya dowlada federaalka, xadgudubyada ay ku hayaan dadka soomaaliyeed, kufsiga joogtada ah ee ay kula kacaan dumarka Soomaaliyeed, boobka lagu hayo kheyraadka dalka, dhiibistii Qalbidhagax, gacan ku heynta go’aan ka gaarista iyo ka talinta aayaha Soomaaliya islamarkaana la hoosgeeyo dowlada Itoobiya, dhamaan qodobadaas iyo kuwa lamid ah ayey kooxdu u aragtaa iney sharciyada ka qaadeyso dowlada uu madaxda ka yahay madaxweyne Farmaajo.

Al-Shabaab ayaa dagaal ba’an kula jira dowlada faderaalka ah iyo dowladaha taageera, waxeyna kooxdu diiday iney wadahadal la gasho xukuumadan uu reer galbeedku aqoonsan yahay.

3-Waa Xaaraan ka Qeybqaadashada Doorashooyinka Dimuquraadiga ah

Qodobka 4aad waxaa lagu sheegay: " In ay xaaraan tahay ka qaybqaadashada waxa loogu yeero doorashada dimuquraadiga ah ee ay saliibiyiinta iyo murtadiintu doonayaan inay kaqabsoonto deegaanada ay xooga kuheystaan Saliibiyiinta loogu yeero AMISOM”.

Hadii ay ku guuleystaan al-Shabaab fulinta go’aankan, wuxuu cadeyn u noqonayaa awoodda ay kooxdu u leedahay meel marinta go’aanada uu soo saaro ururka. Arintan ayaan kadis ku aheyn dhegaha warbaahinta, waxey al-Shabaab baaq ay ugu yeereen towbad keen u fidiyeen ergadii soo xushay xildhibaanada baarlamanka iyagoo u qabtay iney muddo 45 maalmood gudahood kusoo gaaraan deegaanada uu ka taliyo ururka.

Mudadii loo qabtay oo aan dhamaan ayaa boqolaal ka tirsanaa ergada u hayaameen deegaanada al-Shabaab, arintaas oo buuq iyo jahwareer siyaasadeed ka dhex abuurtay xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah, dhanka kale waxey soo ifbixisay awooda ay kooxdu u leedahay iney meelmariso go’aanada ay soo saarto.

Waxaa xusid mudan in go’aankii ergada iyo kan shirkaba uu kasoo wada baxay xafiiska kooxda u qaabilsan siyaasada iyo wilaayaadka. Hor-istaaga al-Shabaab ee doorashooyinka ayaa sii kordhinaya walwalka dad badan ay ka qabaan hannaanka doorashooyinka qof iyo codka ah ee qabsoomideeda lagu muransanyahay. Waxysan kooxdu shaacin iney awood u adeegsan doonto iyo in kale si ay u joojiso qabsoomida doorashooyinka la hadalhayo.

4-Halista ka Dhalan Karta Qulqulka Itoobiyaanka Soo Galaya Dalka

War Murtiyeedka kasoo baxay Al-Shabaab waxaa go'aanada lagu xusay kamid ahaa: "In aad looga digtoonaado qulqulka gaalada Itoobiyaanka ah ee soo galaya dalka, tiro badan oo kamid ahna ay saldhigteen qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka.".

Go'aankan waa mid aysan suuragal ahayn inuu kasoo baxo maamul goboleedyada hoostaga dowlada Federalka iyo xukuumada Farmaajo. Dowalada Itoobiya ayaa safaarada dhowr ah ku leh dalka, waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo kor u dhaafaya 10’000 oo askari. Ra’iisul wasaare Abey Ahmed ayaa saameyn weyn ku leh siyaasada Soomaaliya.

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo badanayey qulqulka itoobiyaanka soo galaya Soomaaliya. Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa ah degaanada ugu badan ee ay soo gaaraan soo galootiga Xabashida. Culimada iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed ayaa walwal xoogan ka qaba isbadelka ku dhici kara demographic deegaanadaas, waxey sidoo kale arkaan in mawjadaha soo galooti ay yihiin kuwo qorsheysan oo aad looga soo baaran degay islamarkaana is gaar ah u beegsanaya degaano xeebeedka ku teedsan bada cas iyo marinka "Baab Al-Mandab”.

Ka qeybgalayaasha shirka al-Shabaab ayaa ka walaacsan qaxootigaas dalka soo galaya, waxeyna sheegayaan khubarada ku xeeldheer kooxda iney ka cabsi qabto is badal ku yimaada diinta, dhaqanka, iyo akhlaaqda dadka ku nool deeganada ay saldhigteen qaxootiga itoobiyaanka.

Digniinta al-Shabaab waxey walaac ku abuuri kartaa hay’ada qaramada midoobey u qaabilsan qaxootiga ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan UNHCR oo aan xafiis ku laheyn deegaanada ay ka taliso kooxdu.

5- Wilaayaatka Islaamiga Waxay Qalcad Adag u Yihiin Muslimiinta

Go'aanka ay dad badan la ashqaraareen ee ku xusnaa war murtiyeedka Al-Shabaab wuxuu ahaa qodobka 13aad kaasoo lagu yiri: "kasoo qeybgalayaasha waxay caddeeyeen in wilaayaatka Islaamiga ay qalcad adag u yihiin Muslimiinta dhamaantood, maganna u yihiin qof kastaoo dhibane u ah dulmiga gaaladu kuheyso Muslimiinta".

Arintan ayaa ka dhigan in aasaaska wadaninimo ee ay rabaan in ay ku dhisaan siyaasada dalka ay tahay islaamnimo, iyadoo aan la eegeyn jinsiyad, qawmiyad iyo luqad. Waxey kooxdu aaminsan tahay in dhulka ay maamusho uu ka dhexeeyo muslimiinta oo dhan cadaan iyo madow intaba, dunidana ay u qaybsanto daarul Islaam iyo daarul Kufri, xaakimiyaduna tahay shareecada Islaamka oo keliya, dal-ku-galka Soomaaliyana uu noqonayo Islaamnimo oo keliya.

Muwaadiniin Muslimiin ah oo kasoo jeeda wadamada Kenya, Tanzaniya, Itoobiya, Mareykanka, Yurub iyo Aasiya ayaa hadaba ku sugan deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab. Iyagoo aanan soo marin waaxda socdaalka dowlada faderaalka Soomaaliya, dal-ku-galna aan heysan. Al-Shabaab ayaa muwaadiniintaas u yaqaan muhaajiriin, waxeyna leeyihiin xasaanad gaar ah, halka dowlada farmaajana ay u taqaan ajaanib argagixisa ah ayna tahay in maxkamad lasoo taago.

6- In Laga Digtoonaado Corona Virus iyo HIV AIDIS

Al-Shabaab waxay Soomaalida uga digeen cudurada halista ah ee kusoo kordhay dunida sida Coronavirus iyo HIV, waxayna faafintiisa ku eedeeyeen ciidamada shisheeye ee jooga wadanka (AMISOM) iyo dowladaha taageera ee xafiisyada iyo xarumaha ku leh Xalane.

War murtiyeedka Shabaab waxaa lagu yiri waa: "Inay bulshada Muslimka ka digtoonaadaan cudurada faafa ee kusoo badanaya dunida sida Corona Virus iyo HIV-ga, taasoo ay faafinteedu kaalin lixaadleh kaqaadanayaan ciidamada saliibiga ah ee dalka kusoo duulay, iyo dolwadaha gaalada ah ee taageerada siiya.".

Inkastoo kooxdu ay dagaal kula jirto AMISOM iyo Shisheeyaha reergalbeedka hadana waxay dadka indheergaradka ah tilmaamayaan in aan looga baran kooxda ka hadalka musiibooyinka ku habsada dunida. Kooxda ayaa ku eedeysay shisheeyaha ku sugan dalka iney ka qeybqaadanayaan faafinta cudurka, aragtidaas waxaa sii xoojinaya cadeymaha muujinaya in mid kamid ah kiisaskii ugu horeeyey ee Corona lagu arkay xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee shisheeyuhu ka degan yahay dalka.

Xalane oo ah taliska ugu weyn ee shisheeyaha ayaa sidoo kale laga diiwaan geliyay dumar badan oo afduub loo heystay kadibna la qaadsiiyay cudurka dilaaga ah ee HIV AIDIS-ka, warbixin kasoo baxday hay'ada xuquuqul insaanka-Human Rights Watch ayaa diiwaan gelisay in ka badan 10-kiis oo kala duwan oo kamid ahaa kufsiyo ay geysteen ciidamada AMISOM, Intaas waxaa sii dheer tobanaanka ruux ee ay ku dileen wadooyinka Muqdisho ama ay jiirsiiyeen gawaaridooda gaashaaman.

Muuqaal laga qaaday madaxweynaha Ugandha, Yuweri Museveni ayaa lagu baahiyay baraha bulshada isagoo canaanaya askari Police-ka ka tirsan oo dharbaaxay gabar yugaandheys ah.Askarigi ayuu wuxuu ku yiri: "Haddii aad dooneyso dumar aad dharbaaxdo waxaan kuu direynaa Soomaaliya, halkaas ayaa looga baahan yahay dharbaaxsho”.

Muuqaalkaas ayey ka caroodeen kana falceliyeen dad badan oo Soomaaliyeed, waxaase illaa iyo hadda dad badan is weydiinayaan sababta uu madaxweyne Farmaajo iyo xukuumadiisa uga hadli la’yihiin xadgudubka madaxweynaha yugaandha kula kacay ummada Soomaaliyeed.

Museveni ayaa dowlada faderaalka ee uu hogaamiyo farmaajo u arka inay tahay mid taagdaran oo fashilantay sida uu ku sheegay khudbadii uu ka jeediyay Koonfurta Sudan 2018-kii.

Gunaanad;

Maqaalkan wuxuu dhameystir u yahay maqaal aan horey uga qoray shirka ay ku qabteen alshabaab degaanada ay ka arrimiyaan, kaasoo ay sheegeen iney kaga arrinsanayeen aayaha muslimiinta ku dhaqan bariga afrika. Waxaan isdultaag ku sameeyay go’aanadii ay soo saareen xubnihii ka qeybgalay shirkaas.

Al-Shabaab ayaa ah ururku ugu saameynta badan siyaasada geeska Afrika, taasoo ururka siineysa ahmiyad caalami ah oo mudan in lala tacaamulo. Daraasaadka laga qoro al-Shabaab ayaa badanaa ka fog dhexdhexaadnimada, waxeyna mugdi gelisay fahamka mudan in laga qaato ururka, siyaasadiisana lagu saadaalin lahaa. Waxaan rajeynayaa in qormadaan iyo kuwa xiggi doonaba sawir dhameystiran ka bixin doonaan waaqica ka jira dhulkeena hooyo, si gaar ahna diirada usaari doonaan aragtida Al-Shabaab iyo sida ay u fekaraan, si uu waxgaradka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed u helo macluumaad sax ah oo uu ku dhisan karo aragtidiisa siyaasadeed iyo mawqifka uu ka qaadanayo kooxda.

Abdirizaaq xaaji Xuseen

Stockholm, Sweden
Email: [email protected]

FG: Fikirka wuxuu gaar uyahay qoraaga Maqaalka SomaliMeMo looma tiirin karo

Related Items