Saldhigga Mareykanka ee dalka Jabuuti oo lagusoo rogay xaalad degdeg ah.

Saturday April 25, 2020 - 07:20:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Saldhigga Mareykanka ee dalka Jabuuti oo lagusoo rogay xaalad degdeg ah.

    Taliska ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika ayaa ku dhawaaqay in xaalad heegan ah lageliyay saldhigga Africon ee kuyaal dalka Jabuuti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika ayaa ku dhawaaqay in xaalad heegan ah lageliyay saldhigga Africon ee kuyaal dalka Jabuuti.


War qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in cudurka Carona oo si xowlli ah ugusii fidaya dalka Jabuuti uu qasab ka dhigay in xaalad feejignaan ah lageliyo saldhgga ciidamada Mareykanka ee dalkaas kuyaal.

Madaxa ciidamada Mareykanka ee howlgalka geeska Afrika Michael Turello ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in go'aanka ay qaateen uu yahay mid feejignaan ah wuxuuna ka gaabsaday in uu sheego in Carona uu soo ritay askar iyo saraakiil American ah oo Jabuuti ku sugan iyo inkale "tallaabadan heeganka ah ayaa nasiinaysa awood dheeri ah oo aan kula tacaali karno faafitaanka caabuqa COVID19" sidaas waxaa yiri Michael Turello.


Warar horay usoo baxay ayaa sheegayay in askar iyo saraakiil American ah oo ka howlgala saldhigga Camp Lemonnier ee dalka Jabuuti laga helay astaamo muujinaya cudurka Carona Virus, taliska AFRICOM ee xaruntiisa ugu weyn ay kutaal dalka Jabuuti ayaa ah halka lagasoo abaabulo xasuuqa ay diyaaradaha Drone ka geystaan dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items