Weeraro Askar Kenyaan ah lagu dilay oo ka dhacay Mandheera iyo iska hor'imaad lagasoo calaamadeeyay Kulbiyoow.

Saturday April 25, 2020 - 07:53:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Askar Kenyaan ah lagu dilay oo ka dhacay Mandheera iyo iska hor'imaad lagasoo calaamadeeyay Kulbiyoow.

    Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga kujira ayaa sheegaya in halkaas ay markale ka dhaceen weeraro lagu dilay saraakiil katirsan dowladda Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

gobolka NFD ayaa ku jira gummeysi
Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga kujira ayaa sheegaya in halkaas ay markale ka dhaceen weeraro lagu dilay saraakiil katirsan dowladda Kenya.


Qarax ka dhacay deegaanka Dabaasiti ayaa lagu weeraray saraakiil miinabaarayaal Kenyaan ah, ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarkaas ay ku dhinteen 2 sarkaal.

Weerar kale ayaa lagu qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Sheekha Barroow oo hoos yimaad gobolka Mandheera balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weeraradan ka dhacay dhulka NFD sida ay baahisay idaacadda islaamiga Andalus.


Dhinaca kale weerar xooggan ayaa xalay fiidkii lagu qaaday saldhigga ciidamada Mellleteriga Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyoow ee xuduud beenaadka dhaca.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xoogag aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ay xalay saqdii dhexe weeraro ku mireen saldhigga KDF ee Kulbiyoow, jabaqda rasaasta ayaa mar qura isqabsatay, ku dhowaad hal saac ah oo iska hor'imaadyo xooggan socdeen kadib ayay xoogagii weerarka qaaday dib uga gurteen deegaanka

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items