Daawo Video: Dibad baxyo ka dhan ah dowladda Federaalka oo Muqdisho gilgilay.

Saturday April 25, 2020 - 14:21:15 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 3
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Dibad baxyo ka dhan ah dowladda Federaalka oo Muqdisho gilgilay.

    Kumanaan ruux ayaa maanta isugusoo baxay qaar kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho waxay ka cabanayeen bandow dilal lagu laray oo lagusoo rogay caasimadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan ruux ayaa maanta isugusoo baxay qaar kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho waxay ka cabanayeen bandow dilal lagu laray oo lagusoo rogay caasimadda.

Dadka dibad baxyada dhigaya ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Farmaajo iyo Kheyre oo ay ku eedeeyeen in ay magaalada soo gelisay ciidan dowlado shisheeye ay tababareen kuwaas oo geysanaya dilal iyo dhac.

Dibad baxyada ugu ballaaran waxay ka dhaceen Afar degmo oo kala ah Boondheere,Shibis,Shangaani iyo Xamarweyne, dadka iskusoo baxay waxay ubadanaayeen dumar iyo dhalinyaro kuwaas oo ah kuwa ugu badan ee uu saameynta ku reebay bandowga dowladdu soo rogtay.


Kacdoon wadayaasha ayaa gubay sawirrada Farmaajo iyagoo dhulka dhigay tabeellooyinka lagu dhajiyay sawirrada madaxda ugu sarraysa dowladda Federaalka waxayna ku dhawaaqayeen Farmaajo ha dhaco iyo erayo kale.

Hoos ka daawo muuqaalada dibad baxii maanta


Related Items