Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda weerar lagu qaaday Xerada Xalane.

Sunday April 26, 2020 - 08:42:20 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 3.5/5 Stars) Total Votes: 4
  • 24 8
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda weerar lagu qaaday Xerada Xalane.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weerar madaafiic ah ku qaaday saldhigga ugu weyn ee ciidamada AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weerar madaafiic ah ku qaaday saldhigga ugu weyn ee ciidamada AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya.

jugta qaraxyo waaweyn ayaa saaka laga maqlay xerada Xalane oo ay ku suganyihiin saraakiisha ugu sarraysa ee shisheeyaha duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarkii madaafiicda ahaa ee saaka lagu qaaday xerada Xalane, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 7 madfac ay ku hoobteen gudaha xeradaXalane.

Qiic iyo Uuro madoow ayaa cirka isku shareeray kadib markii duqeynta lagu beegsaday saldhigga Xalane oo kaabiga ku haya garoonka diyaaradaha Muqdisho  balse illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntii saaka lagu qaaday Xalane.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items