Xiisad ka taagan magaalada Jowhar iyo Mooshinno iskasoo horjeeda oo laqabtay.

Monday April 27, 2020 - 07:50:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisad ka taagan magaalada Jowhar iyo Mooshinno iskasoo horjeeda oo laqabtay.

    Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in halkaas ay ka jiraan xiisado dhanka siyaasadda ah oo udhaxeeya mas'uuliyiinta ugu sarreeya maamulka isku magacaabay 'Hirshabeelle'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in halkaas ay ka jiraan xiisado dhanka siyaasadda ah oo udhaxeeya mas'uuliyiinta ugu sarreeya maamulka isku magacaabay 'Hirshabeelle'.


Mooshinno iskasoo kala horjeeda ayaa looga dhawaaqay magaalada Jowhar, xildhibaanno taageersan Waare iyo ku xigeenkiisa ayaa ku dhawaaqay in ay mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka ugudbiyeen guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka.

Cusmaan Barre oo ah guddoomiyaha baarlamaanka maamulka 'Hirshabelle' ayaa isna sheegay in uu qabtay mooshin ka dhan ah Waare iyo Guudlaawe islamarkaana cod loo qaadi doono mooshinkaas.

dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa durbadiiba laga dareemay magaalada Jowhar, warar laysla dhaxmarayo ayaa sheegaya in Cusmaan Barre uu taageero ka haysto madaxda DF-ka gaar ahaan Fahad Yaasiin iyo Farmaajo.


Bishii lasoo dhaafay Waare iyo Guudlaawe ayaa diiday in magaalooyinka Jowhar iyo Beled Weyne lageeyo ciidamada loo yaqaan Haramcad ee sida gaarka ah utaabacsan Fahad Yaasiin iyo Farmaajo, Guudlaawe iyo Waare ayaa lagu eedaynayaa in ay geed fadhi uyihiin mucaaradka Villa Somalia gaar ahaan Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

lama oga halka ay ku dambayn doonto xaaladda maamulka fadhiidka ah ee Hirshabelle waxaana xusid mudan in Farmaajo iyo Kheyre ay horay ugasoo takhaluseen dhammaan maamulladii kasoo horjeeda siyaasadooda marka laga reebo Jubbaland iyo Puntland

Related Items