Dowladda Shiinaha oo ku dhawaaqday in magaalada Wuhan ay ka marantahay Carona Virus.

Monday April 27, 2020 - 09:05:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Shiinaha oo ku dhawaaqday in magaalada Wuhan ay ka marantahay Carona Virus.

    Dowladda Shiinaha ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in cudurka Carona Virus uu ka dhammaaday magaalada Wuhan oo aheyd meeshii ugu horraysay ee cudurkan uu kasoo bilaawday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Shiinaha ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in cudurka Carona Virus uu ka dhammaaday magaalada Wuhan oo aheyd meeshii ugu horraysay ee cudurkan uu kasoo bilaawday.


Guddiga caafimaadka dowladda Shiinaha uqaabilsan ka hortagga Carona ayaa sheegay in magaalada Wuhan iyo isbitaalladeeda ay ka maranyihiin caabuqa Covid19.

Mas'uuliyiin Shiinays ah ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in nolosha magaalada ay caadi kusoo laabatay islamarkaana aysan jirin wax bukaanno ah oo jiifa isbitaallada Wuhan taas oo ka dhigan in cudurku dhammaaday.

Wuhan oo dhacda bartamaha Shiinaha bartamihii bishii Decembar 2019 waxaa ka dilaacay caabuqa Covid19 ee caalamka kusii faafaya kaas oo sababay dhimashada 200,000 oo ruux islamarkaana soo ritay malaayiin ruux.


Maamulayaasha Shiinaha waxay ku faaneen in ay xakameeyeen cudurka balse siyaasiyiinta mucaaradka ah waxay leeyihiin Shiinuhu wuxuu isku dayayaa in uu dib usoo ceshado dhaqaalihiisa ku wiiqmay Carona.

isbuucan wax dhimasho ah oo Carona uu sababay lagamasoo calaamadayn wadanka Shiinaha, dhinaca kale dhimashada dadka Americanka ah ayaa gaartay 55,417 oo ruux.

Inkastoo dhimashadu ay ku dhowdahay lixdan kun oo ruux ayay hadane dowladaha Mareykanka sheegaysaa in ay qaadday bandowgii saarnaa qaar kamid ah gobollada dalka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items