Sawirro: Dad badan oo ku dhintay Daadad ku rogmaday magaalada Qardho.

Tuesday April 28, 2020 - 11:39:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Dad badan oo ku dhintay Daadad ku rogmaday magaalada Qardho.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay roobab daad watay oo xalay ka da'ay magaalada Qardho ee gobolka Nugaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay roobab daad watay oo xalay ka da'ay magaalada Qardho ee gobolka Nugaal.


Ugu yaraan 10 ruux oo ubadan carruur ayaa dhintay tira kalane waa lala'yahay kadib markii ay daadad ka dhashay roobabka Guga ay ku dhufteen gudaha magaalada, xalay fiidkii ayay musiibadani dhacday.

Goob joogayaal ayaa sheegay in daadadku ay qaadeen gaadiid yaryar islamarkaana ay burburiyeen Hoteello iyo goobo ganacsi oo suuqyo ay kamid yihiin, waxaa la sheegayaa in khasaaraha dhimashu uu 10 ruux ka badanyahay.

Shacabka magaalada Qardho ayaa sameeyay gurmad baaxad leh oo ay ku badbaadinayaan dadka biyuhu qaadeen balse wixii dhacay ayaa ahaa wax awoodooda ka weyn, biyaha oo lamoodo hirarka badda ayaa magaalada dhax qulqulayay.


Wararka qaar ayaa sheegaya in togag magaalada banaankeeda mara ay biyaha si lama filaan ah usoo leexiyeen, roobabka Guga ayaa sanadkan si aan horay loo arkin uga da'aya gobollada waqooyi bari Soomaaliya.



Related Items