Ciidamada Uganda ee ku sugan Muqdisho oo laga dhax helay Caabuqa Carona Virus.

Wednesday April 29, 2020 - 10:45:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Uganda ee ku sugan Muqdisho oo laga dhax helay Caabuqa Carona Virus.

    Dowladda Uganda ayaa sheegtay in kiiski ugu horreeyay oo ah cudurka Carona Virus laga helay mid kamida askarteeda duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in kiiski ugu horreeyay oo ah cudurka Carona Virus laga helay mid kamida askarteeda duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.


Sida wararku sheegayaan mid kamida ciidamada Uganda ee ka howlgala dekadda magaalada Muqdisho ayaa laga helay caabuqa safmareenka ah ee Covid19 sida ay sheegeen saraakiisha AMISOM.

Askarigan laga helay Carona ayaa la sheegay in muddo 6 bilood ah uusan ka bixin Soomaaliya taas oo ka dhigan in cudurka uu ka qaaday ajaanibta kale ee ay isla shaqeeyaan, madaxa ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa usheegay warbaahinta in ay xaalad karaantiil ah geliyeen saraakiil ku sugan xerada Xalane.


Kumanaan kun askar Ajaanib ah ayaa duullaan ku jooga dalka Soomaaliya waxaana laga cabsi qabaa in cudurrada halista ah ee dalalkooda ka jira ay ku dhax faafiyaan bulshada Soomaaliyeed, kumanaan kun oo askar Itoobiyaan ah ayaa dhowaan xuduud beenaadka kasoo gudbay xilli wadankooda uu halis ku hayo Carona Virus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items