Dhageyso: Roobab Dabeyllo wata oo ku dhuftay Jaziiradda Madhawa ee Jubbada Hoose.

Thursday April 30, 2020 - 09:09:13 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Roobab Dabeyllo wata oo ku dhuftay Jaziiradda Madhawa ee Jubbada Hoose.

    Roobab mahiigaan ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka da'ay gobollada dalka Soomaaliya ayaa sababay khasaara hantiyadeed iyo mid nafeed, wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ayaa sheegaya in Fatahaado uu sameeyay wabiga Jubba uu sababay in maga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roobab mahiigaan ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka da'ay gobollada dalka Soomaaliya ayaa sababay khasaara hantiyadeed iyo mid nafeed, wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ayaa sheegaya in Fatahaado uu sameeyay wabiga Jubba uu sababay in magaaladu kala go'do.


Dhinaca kale roobab saacado badan da'ayay oo ay barbar socdeen daadad ayaa ku dhuftay jaziiradda Madhawa ee xeebaha gobolka Jubbada Hoose.

Roobabka oo bilaawday xilli habeen ah waxay wateen dabayllo aad u xooggan kuwaas oo saameeyay dadkii jaziiradda ku dhaqnaa, dad goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in inta badan guryihii iyo goobihii ganacsi ee jaziiradda Madhawa ay ku burbureen roobabka duufaanta wata.


Xaaladda dadka ku dhaqan ayaa ah mid go'doon ah, odayaasha iyo waxgaradka jaziiradda Madhawa ayaa ugu baaqay shacabka Kismaayo in ay gurmad dhanka badda ah usoo diraan si loo badbaadiyo dadka dhibaataysan.

Roobabka Guga ayaa sanadkaan si xowlli ah uga da'aya inta badan gobollada dalka Soomaaliya, maalmo ka hor ayay aheyd markii roobab dad badan ku dhinteen ay ku dhufteen magaalada Qardho ee gobolka Nugaal.

Halkan ka dhageyso Goob jooge ku sugan Jaziiradda Madhawa



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items