61,000 qof American ah oo udhintay Caabuqa Carona Virus.

Thursday April 30, 2020 - 09:37:10 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    61,000 qof American ah oo udhintay Caabuqa Carona Virus.

    Shalay dadka Americanka ah waxay u aheyd maalin kale oo madoow kadib markii ay dhinteen dad ka badan 2,500 oo qof waana maalintii Afaraad oo si xariir ah ay dhimashadu si xowlli ah ku socoto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shalay dadka Americanka ah waxay u aheyd maalin kale oo madoow kadib markii ay dhinteen dad ka badan 2,500 oo qof waana maalintii Afaraad oo si xariir ah ay dhimashadu si xowlli ah ku socoto.


Jaamacad caafimaad oo kutaal dalka Mareykanka ayaa sheegtay in dhimashada guud ee dadka Americanka ah ee Carona udhintay ay gaartay 60,853 qof islamarkaana aan wali tira koob lagu sameyn dadka ku dhintay isbitaallada cusub ee dhowaan la hirgeliyay.

Donald Trump oo ah madaxweynaha Mareykanka ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay ku sheegay in Carona Virus uu dhowaan ka dhammaan doono dalka Mareykanka balse ma sheegin waqtiga uu dhammaan doono.


Dalka Mareykanka waa dalka koowaad ee ugu dhimashada iyo bukaanada badan ee cudurka Carona Virus halka dowladaha Talyaaniga iyo Spain ay iyana ku xigaan, illaa iyo hadda ma jirto dowlad soo saartay daawo lagula tacaali karo Carona Virus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items