Biriq dad isku qoys ah ku dishay duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Thursday April 30, 2020 - 11:37:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biriq dad isku qoys ah ku dishay duleedka magaalada Dhuusamareeb.

    Roobab mahiigaan ah oo sababay khasaaro ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka da'ay deegaanno katirsan gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roobab mahiigaan ah oo sababay khasaaro ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka da'ay deegaanno katirsan gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya degmada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 qof oo isku qoys ah ay ku dhinteen deegaanka 35Km ujira xarunta gobolka Galguduud.

Biriqda roobka ayaa ku dhacday guri ay ku sugnaayeen 7 qof oo hal qoys kasoo wada jeeda waxaana dhinta Afar qof sida uu warbaahinta u sheegay mid kamida dadkii biriqda ka badbaaday.

Roobabka xilligan Guga oo xalay fiidkii ka bilaawday Dhuusamareeb iyo hareeraheeda ayaa soo gaaray saaka waaberigii, Gugaca iyo biriqda roobka ayaa cabsi ku beertay dadka ku dhaqan deegaanno Galguduud katirsan.


Xilliga Guga ayaa sanadkaan Soomaaliya u ah barwaaqo balse waxaa gobollada qaar lagasoo sheegayaa daadad iyo fatahaado ka dhashay roobabka mahiigaanka ah, Dayrtii lasoo dhaafay ayaa sidaan oo kale u aheyd barwaaqo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items