Saldhigga ciidanka Kenya ee deegaanka Hoosingoow oo weerar lakulmay.

Thursday April 30, 2020 - 11:46:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.3/5 Stars) Total Votes: 8
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Saldhigga ciidanka Kenya ee deegaanka Hoosingoow oo weerar lakulmay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in markale uu weerar xooggan lakulmay saldhigga ciidamada gummeysiga Kenya ee deegaanka Hoosingoow oo dhaca xuduud beenaadka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in markale uu weerar xooggan lakulmay saldhigga ciidamada gummeysiga Kenya ee deegaanka Hoosingoow oo dhaca xuduud beenaadka.

Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weeraro ku miray saldhigga ciidanka Kenya ee deegaanka Hoosingoow, goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen hungunka rasaas xooggan oo labada dhinac is dhaafsanayeen.

Dhinaca kale iska hor'imaadyo xooggan ayaa xalay ka dhacay deegaanka Sabiid ee duleedka degmada Afgooye, sida wararku sheegayaan in xoogag jihaadi ah ayaa dhowr jiho ka weeraray saldhigyo ay Sabiid uga suga sugnaayeen maleeshiyaadka Mareykanku tababaray ee Bangaraafta loo yaqaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items