Maareeye "Qof walba oo Soomaaliya ku dhinta waxaan u aqoonsanahay in uu dilay Carona Virusa" Video.

Friday May 01, 2020 - 14:18:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Maareeye "Qof walba oo Soomaaliya ku dhinta waxaan u aqoonsanahay in uu dilay Carona Virusa" Video.

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayay ku sheegtay in qof walba oo Soomaaliya ku dhinta ay u aqoonsantahay in uu dilay cudurka halista ah ee Carona Virus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayay ku sheegtay in qof walba oo Soomaaliya ku dhinta ay u aqoonsantahay in uu dilay cudurka halista ah ee Carona Virus.


Max'med Cabdi Maareeye oo ah wasiirka warfaafinta ayaa magaalada Muqdisho ka sheegay in qof walba oo dhinta uu dilay Carona Virus isagoo si cad u sheegay in dowladda Federaalka ay go'aankaas gaartay.

"Mid wuxuu dhahayaa malaariyo ayuu u dhintay, cagaar-show ayuu u dhintay, waxba kama jiraan arrinkaas dowladda Soomaaliya waxay maanta u aqoonsan tahay qof kasta oo dhinta in uu dilay Coronavirus, markii laga baxo dhibkan oo halkii caadiga ahaa halagu noqdo ayaan arkaynaa, waxba yaa been la sheegin, qandhada oo dhami waa Coronavirus, dadka waxaa leenahay qof qandheysan halaga dheeraado”ayuu yiri Wasiir Maareeye.



Dhawaqa kasoo yeeray Wasiirka warfaafinta dowladda Federaalka ayaa umuuqday mid uu qiil ugu yeelayo bandowga iyo jujuubka ay dowladdu ku hayso shacabka Muqdisho iyadoo marmarsiimo uga dhiganaysa ka hortagga Carona Virus.

Dowladda Farmaajo ayaa xirtay dhammaan goobaha waxbarashada iyadoona diiday in muslimiintu masaajidda ku tukadaan salaadaha Faradka ah iyo Taraawiixda, dad badan ayaa aaminsan in wasaaradda caafimaadka ay ka badbadinayso kiisaska Carona Virus.

Related Items