Weeraro saf ballaaran ah oo lagu miray saldhigyada ciidamada huwanta ah ee Sh/hoose.

Saturday May 02, 2020 - 10:27:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Weeraro saf ballaaran ah oo lagu miray saldhigyada ciidamada huwanta ah ee Sh/hoose.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro xooggan ku qaaday saldhigyo ay ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda ay ku leeyihiin deegaanno katirsan Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro xooggan ku qaaday saldhigyo ay ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda ay ku leeyihiin deegaanno katirsan Sh/Hoose.



Xalay saqdii dhexe ayay iska hor'imaadyo xooggan ka dhaceen deegaannada Lambar60,Janaale iyo Ceelsaliini oo dhammaantood hoos yimaad magaalada Marka ee Sh/hoose.

Xoogaga Al Shabaab ayaa weeraro ku miray saldhigyada ciidamada huwanta ah ay ku leeyihiin Sh/hoose, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiic iyo rasaas ay labada dhinac iswaydaarsanayeen.

Tan iyo markii ay bilatay bisha barakaysan ee Ramadaan ayay sare ukaceen weerarada ka dhanka ah ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda ee ka socda gobolka istiraatiijiga ah ee Sh/hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items