Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo goob fagaare ah lagu arkay.

Saturday May 02, 2020 - 08:03:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo goob fagaare ah lagu arkay.

    Markii ugu horraysay 20 maalmood kadib waxaa fagaare kasoo muuqday hoggaamiyaha dowladda Shuuciydda Kuuriyada waqooyi kaasi oo lahadal hayay in uu dhintay ama uu xanuunsanayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay 20 maalmood kadib waxaa fagaare kasoo muuqday hoggaamiyaha dowladda Shuuciydda Kuuriyada waqooyi kaasi oo lahadal hayay in uu dhintay ama uu xanuunsanayo.


Warbaahinta rasmiga ah ee Kuuriyada waqooyi ayaa baahisay muuqaalka Kim Jong-un oo ka qeyb gelaya munaasabad lagu furayay warshad soo saarta maadada lagu bacrimiyo beeraha.

Kim Jong-un oo xiran suud isku jooga ah ayaa soo muuqday wuxuuna xarigga ka jarayay mashruuc la sheegay in uu soo saari doono daawada beeraha lagu bacrimiyo, xubnno katirsan qoyska talada haya iyo shaqaale goobta ku sugnaa ayaa sacbiyay markii uu Kim warshadda soo galay.


Waxaa beenoobay wararkii ay isla dhax qaadday warbaahinta caalamka oo sheegayay in hoggaamiyaha Kuuriyada waqooyi uu xanuunsanayo, wararkaas ayaa lagasoo xiganayay warbaahin ay leeyihiin kooxaha mucaaradka xukuumadda Pyongyang.

Dalkan ayaa ah mid aad u xirxiran oo ay adagtahay in warbaahinta caadiga ah ay ka hesho macluumaadyo ku saabsan qoyska talada haya iyo sida ay u noolyihiin bulshada, 12 April ayay aheyd markii uu fagaare kasoo muuqday Kim Jong-un oo sanad walba ka qeyb geli jiray xuska loo sameeyo awoowgiis.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items