USA dhimashada oo gaartay 65,605 iyo Trump oo saadaal cusub soo saaray.

Saturday May 02, 2020 - 13:41:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    USA dhimashada oo gaartay 65,605 iyo Trump oo saadaal cusub soo saaray.

    Caabuqa Covid19 ayaa wali gummaad daran ka geysanaya gudaha wadanka Mareykanka, dhimashada ayaa ah mid sare usii kacaysa maalinba maalinta ka dambaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caabuqa Covid19 ayaa wali gummaad daran ka geysanaya gudaha wadanka Mareykanka, dhimashada ayaa ah mid sare usii kacaysa maalinba maalinta ka dambaysa.


Warbixin ay shalay soo saartay jaamacadda Johns Hopkins ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayay ku sheegtay in 1883 ruux ay 24 saac gudahood udhinteen caabuqa Carona Virus, dhimasahada guud ee Covid19 uu ka geystay dalka Mareykanka ayaa gaartay 65,605 qof.

Dhinaca kale Donald Trump ayaa ka laabtay saadaal uu horay usoo saaray oo aheyd in dhimashada Carona ee Mareykanka ay udhaxayn doonto 60 kun,60 kun illaa 70 kun oo ruux balse shalay ayuu sheegay in dhimashadu ay gaari karto 100 Kun oo ruux.


Warbaahinta Mareykanka waxay sheegaysaa in tijaabo lageliyay tallaal looga hortagayo cudurka Carona oo markii ugu horraysay ay soo saartay hay'ad caafimaad oo American ah balse lama oga sida uu noqon karo falgalka talaalkan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items