Xoogag hubaysan oo Askari ku dilay magaalada Baydhabo qorigiina ka furtay.

Sunday May 03, 2020 - 11:17:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogag hubaysan oo Askari ku dilay magaalada Baydhabo qorigiina ka furtay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in magaalada Baydhabo uu ka dhacay weerar qorsheysan oo lagu dilay askari katirsan ciidamada maamulka Koonfur galbeed ee ka hoos shaqeeya ciidamada Xabashida ee duulaanka ku jooga Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in magaalada Baydhabo uu ka dhacay weerar qorsheysan oo lagu dilay askari katirsan ciidamada maamulka Koonfur galbeed ee ka hoos shaqeeya ciidamada Xabashida ee duulaanka ku jooga Soomaaliya.



Ilo wareedyo ayaa sheegaya in rag hubeysan oo katirsan Xarakada  Al-Shabab ay dileen askariga kadibna waxay ka furteen qori noociisu yahay AK47  oo uu ku hubeysnaa askariga ladilay.

Goor dambe waxaa halka uu dilka ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan kuwa maamulka Koonfur galbeed kuwaas oo qaaday meydka askariga xilli goor hore  ay goobta isaga tageen raggii dilka geystay.

Baydhabo waxay kamid tahay magaalooyinka ku jira gumeysiga Xabashida waxaana ka dhaca howlgallo ay fuliyaan dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ee kasoo hor jeeda kuwa Xabashida iyo cid weliba oo la socota.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items