Dagaallo udhaxeeya ciidamada 'Puntland' iyo 'Galmudug' oo dib uga bilaawday Gaalkacyo.

Sunday May 03, 2020 - 13:02:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo udhaxeeya ciidamada 'Puntland' iyo 'Galmudug' oo dib uga bilaawday Gaalkacyo.

    Ciidamo katirsan maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa ku dagaallamay deegaan dhaca duleedka magaalada Gaalkacyo, dagaalkaas oo socday in mudda ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo katirsan maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa ku dagaallamay deegaan dhaca duleedka magaalada Gaalkacyo, dagaalkaas oo socday in mudda ah.



Deegaan lagu magacaabo Teerage oo dhaca duleedka magaalada Gaalkacyo ayuu dagaalku ka dhacay, saqdii dhexe ee xalay gaar ahaan waqtigii suxuurta, waxaana dhinacyada dagaallamay ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Inkastoo aan la ogeyn waxa uu salka ku hayo dagaalkan u dhexeeya ciidamada katirsan labada maamul, hadana waxaa lasoo sheegayaa in weli xiisaddu taagantahay, dhinacyaduna ay isku hub uruusanayaan.

Ugu yaraan shan ruux oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaalka, waxaana suuragal ah in khasaaruhu intaas ka bato, maadaama ay jiraan askar dhaawacyo ay soo gaareen.



Shisheeyaha ayaa Soomaaliya ka hirgelisay maamul goboleedyo iyaga ka amar qaata, kuwaas oo ku dhisan qaab kala qeybinta dalka, waxaana marar badan dhexdooda soo kala dhexgala khilaafaad horseeda dagaal.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items