Ciidamada Alsiisi oo dad Shacab ah ku xasuuqay gobolka Saynaa ee dalka Masar.

Sunday May 03, 2020 - 16:25:27 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Alsiisi oo dad Shacab ah ku xasuuqay gobolka Saynaa ee dalka Masar.

    Wararka ka imaanaya wadanka Masar ayaa sheegaya in ciidamada Melleteriga wadankaas ay dileen dad shacab ah oo si sharci darra ah ugu xirnaa xabsiyo qarsoodi ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Masar ayaa sheegaya in ciidamada Melleteriga wadankaas ay dileen dad shacab ah oo si sharci darra ah ugu xirnaa xabsiyo qarsoodi ah.


Sida ay sheegeen saxafiyiinta diiradda saara arrimaha gobolka Jaziirad u ekaha Saynaa, ciidamada booliska iyo kuwa melleteriga ayaa saaka aroortii hore illaa 18 qof shacab ah ku dilay magaalada Bir al-Abed ee dhacda bariga Saynaa.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Meydadka shacabka lalaayay lagu daadiyay hareeraha masjid jaamaca magaalada Bir al-Abed "waxaan maqalnay rasaas dhacaysay muddo 35 daqiiqa ah kadibna waxaa goobta gaaray gaadiid ambalaas ah oo taabacsan ciidamada booliska oo lagu daabulay meydadka dadka lalaayay" sidaas waxaa yiri goob jooge diiday in magaciisa la shaaciyo.


Wararka ayaa intaas ku daraya in dadka la laayay ay ahaayeen maxaabiis ay ciidamada ammaanka ku hayeen xabsiyo qarsoodi ah kadibna ay si jamaaci ah u xasuuqeen, ehellada dadka ladilay ayaa wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Alsiisi ka dalbaday in ay tafaasiil ka bixiso sida ay wax udhaceen.

Gobolka Saynaa ee istiraatiijiga ah waxaa ka socda howlgallo isir sifayn ah oo ay gaysanayso xukuumadda Asiisi iyadoo gabaad ka dhiganaysa ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada, gobolkan looma ogola in ay tagaan wariyaasha iyo baarayaasha ka socda hay'adaha sheegta in ay udoodaan xuquuqul insaanka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items