Saldhigyo ciidan oo kuyaal degmada Afmadoow oo weerar xooggan lakulmay.

Monday May 04, 2020 - 11:01:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Saldhigyo ciidan oo kuyaal degmada Afmadoow oo weerar xooggan lakulmay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in markale weeraro saf ballaaran ah lagu qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada shisheeye iyo kuwa maamulka 'Jubbaland'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in markale weeraro saf ballaaran ah lagu qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada shisheeye iyo kuwa maamulka 'Jubbaland'.

Xalay saqdii dhexe ayay xoogaga Al Shabaab weeraro ku mireen laba saldhig oo ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Axmed Madoobe ay ku leeyihiin degmada Afmadoow ee Jubbada Hoose.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarka ugu xooggan lagu beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Soomaali ah, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaas xooggan oo labada dhinac isku weydaarsanayeen dagaalka.

Tan iyo markii ay bilatay bisha Ramadaan ayay xoogaga Al Shabaab weeraro ku mirayeen saldhigyada ciidamada melleteriga Kenya ay uga suganyihiin deegaanno iyo degmooyin katirsan Jubbada Hoose.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items