Barnaamijka Afuri Walaal: 2,600 qoysas ku nool 5 degmo oo la gaarsiiyay deeq raashin ah.

Monday May 04, 2020 - 14:34:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barnaamijka Afuri Walaal: 2,600 qoysas ku nool 5 degmo oo la gaarsiiyay deeq raashin ah.

    Barnaamijka Afuri walaal oo ay iska kaashadeen Ganacsatada Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah shirkadaha ka jira dalka oo ay ugu horeyso Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta waxaa ka faa'ideysatay 2,600 oo ah qoysas danyar ah oo ku nool il

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barnaamijka Afuri walaal oo ay iska kaashadeen Ganacsatada Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah shirkadaha ka jira dalka oo ay ugu horeyso Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta waxaa ka faa'ideysatay 2,600 oo ah qoysas danyar ah oo ku nool ilaa shan degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir.



Gargaarka ayaa isugu jiray bur bariis, sokor, saliid, iyo timir lagudoonsiiyay qoysaska danta yar ah oo kukala nool degmooyinka hodon, howl wadaag, wardhiigley waabari iyo degmada xamar jajab ee gobolka banaadir waxaana dadka kafaa’ideystay ay ahaayeen qooysas danyar ah oo aad ugu baahi qabay maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Madaxa hay’ada Hormuud Foundation Cabdullaahi Nuur Cusmaan oo ka hadlayay xarunta degmada Hodon oo ka mid ahayd goobahii deeqda lagu qeybinayay ayaa sheegay in deeqdan ay qeyb katahay barnaamijka afuri walaal oo ay iska kaashanayaa gudi kakooban ganacsatada gobolka banaadir iyo qaar kamid ah shirkadaha kajira dalka.



Cabdiraxman Cabdullaahi Galaambi oo ah Gudoomiye kuxigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaliyeed oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijka afuri walaal loogu talagalay in ay kafaa”ideestaan 10,000 oo qoysas danyar ah kuwaasi oo ku kala nool 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir.

Hay’ada Hormuud Foundation iyo Salaam Bank ayaa door weyn ka ciyaaraysa barnaamijka afuri walaal oo ay iska kaashanayaan ganacsatada Soomaliyeed.


Related Items