Qaar kamida dowladaha qaaradda Yurub oo qaaday banadowgii ay dadkooda saareen.

Tuesday May 05, 2020 - 11:29:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar kamida dowladaha qaaradda Yurub oo qaaday banadowgii ay dadkooda saareen.

    Inta badan dowladaha reergalbeedka ayaa ku dhawaaqay in qeyb ahaan ay qaadayaan xaaladdii bandawga aheyd ee ay geliyeen muwaadiniintooda kadib markii uu dilaacay cudurka dilaaga ah ee Carona Virus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta badan dowladaha reergalbeedka ayaa ku dhawaaqay in qeyb ahaan ay qaadayaan xaaladdii bandawga aheyd ee ay geliyeen muwaadiniintooda kadib markii uu dilaacay cudurka dilaaga ah ee Carona Virus.


Dowladaha Yurub ayaa ku dhawaaqay in ay khafiifiyeen xaaladdii bandawga aheyd ee ka dhalatay caabuqa Co vid19, dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in ay dib ufurmeen goobaha shaqada sida warshadaha,garoomada diyaaradaha iyo Hoteellada.

Xukuumadda Rooma waxay sheegtay in dad ka badan 4 malyan oo qof ay shaqooyinkooda xaadireen islamarkaana dib loo furayo goobaha waxbarashada sida jaamacadaha iyo iskuullada, Talyaaniga oo ah dalka 2aad ee ladhiban Carona ayaa hoos udhaca dhaqaalaha wadanka u arka mid ka halis badan Cudurka sidaas daraadeed uu qaaday xaaladdii bandawga.


Sidoo kale dowladaha Faransiiska,Jarmalka iyo Spain ayaa iyana sheegay in ay khafiifiyeen xaaladdii bandawga islamarkaana dib loo furay suuqyada ganacsiga iyo warshadaha balse waxay muwaadiniintooda ku amreen in ay xirnaadaan maaskada afka lagu xirto ee looga gaashaanto cudurka Carona.

Dad boqolaal milyan ah ayaa la sheegayaa in laga qaaday xaaladdii go'doonka, dowladda Turkiga ayaa iyana ballan qaaday in ay khafiifinayso xayiraadda laga bilaabo 11 May balse magaalooyinka Istanbuul iyo Ankara ay sii ahaan doono kuwa aan lageli karin illaa bisha June ee soo socota.

Caabuqa Carona ayaa adduunka ku dilay dad kabadan 200 oo kun oo ruux, Mareykanka ayaa ah dalka ugu daran ee uu caabuqan halaagga ka geystay waxayna dhimashadu gaartay 69,680.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items