Xildhibaan Ibbi "Diyaaradda ku burburtay Bardaale dhulka ayaa laga toogtay oo waa lasoo riday"

Tuesday May 05, 2020 - 11:56:12 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ibbi "Diyaaradda ku burburtay Bardaale dhulka ayaa laga toogtay oo waa lasoo riday"

    Mid kamida saamilayda shirkadda African Express ee shalay lagusoo riday degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa xaqiijiyay in diyaaradooda lala helay gantaal dhulka laga riday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid kamida saamilayda shirkadda African Express ee shalay lagusoo riday degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa xaqiijiyay in diyaaradooda lala helay gantaal dhulka laga riday.


Xildhibaan Cabdi Raxmaan Ibbi oo kamid ah milkiilayaasha diyaaradda burburtay ayaa sheegay in diyaaradooda dhulka lasoo dhigay, isagoo wareysi siinayay idaacad kutaal magaalada Muqdisho ayuu beeniyay wararka sheegaya in diyaaraddu cillad farsamo aawgeed ay usoo dhacday.

"Waa dhab diyaaraddaas waa la soo riday markii ay ku soo fooraarsatay garoonka diyaaradaha Bardaale, ma naqaano sida wax u dhaceen waxaans ku geeriyootay labo Captain, Engineer, labo shaqaale iyo nin xamuulka diyaaradda saarnaa wakiil ka ahaa”ayuu yiri Ibbi.


Dhinaca kale dowladda Federaalka ayaa ka gaabsatay in ay diyaaradda lasoo riday ku eedayso ciidamada Itoobiya ee haysta magaalada Bardaale, war kasoo baxay wasaaradda duulista hawada ayaa lagu sheegay in ay baarayaan sababta diyaaradu usoo dhacday.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada xabashida Itoobiya ay diyaaradda laheleen qori nuuca lidka diyaaradaha ah, daqiiqado ka hor intii aysan diyaaraddu soo gelin hawada Bardaale ayay garoonka gaareen ciidamada Itoobiya oo wata gaadiid ay ku rakibanyihiin qoryaha zuugaga loo yaqaan ee Lidka diyaaradaha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items