Weeraro lagu qaaday saldhigyo kuyaal Bariire iyo Janaale.

Tuesday May 05, 2020 - 21:12:10 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 24 0
  • Share via Social Media

    Weeraro lagu qaaday saldhigyo kuyaal Bariire iyo Janaale.

    Wararka ka imaanaya deegaanno katirsan Sh/hoose ayaa sheegaya in weeraro xooggan saacadihii lasoo dhaafay lagu qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya deegaanno katirsan Sh/hoose ayaa sheegaya in weeraro xooggan saacadihii lasoo dhaafay lagu qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda.


Maanta gelinkii dambe ayuu dagaal xooggan ka dhacay saldhigyada ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ka sameysteen degmada Janaale, xoogag aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray saldhigyada ciidamada huwanta ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta hub culus oo ay labada dhinac isdhaafsanayeen, sidoo kale weerar xooggan ayuu lakulmay saldhigga ciidamada dowladda ee deegaanka Bariire ee Sh/hoose.


Dadka deegaanka ayaa sheegay in xoogaga Al Shabaab ee weerarka qaaday ay gudaha ugaleen Bariire waxaana la arkayay dagaalyahannada ay oo si adag ula dagaallamaya maleeshiyaadka Bangaraafta loo yaqaan ee lagu tababaray saldhigga ciidanka Mareykanka ee Balidoogle.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

ku biiro Liibaan Jeexoow Facbook

Related Items