Saraakiil lagu dilay Muqdisho iyo AMISOM oo lagu weeraray Sh.dhexe.

Wednesday May 06, 2020 - 11:39:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil lagu dilay Muqdisho iyo AMISOM oo lagu weeraray Sh.dhexe.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.


Xoogag hubaysan ayaa degmada Dharkaynleey ee magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada melleteriga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilo wareedyo amni ayaa sheegaya in rag bastoolado ku hubaysan ay dileen sarkaal sedax xidigle ahaa oo magaciisa lagusoo gaabiyay Jallaato.

Weerar kale oo ka dhacay deegaanka Garas Baalleey ee galbeedka Muqdisho ayay xoogag hubaysan ku dileen askari katirsan ciidamada dowladda waxaana magaciisa lagusoo gaabiyay dhega Cadde.


Dilalka ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha katirsan ciidamada dowladda ayaa si xowlli ah uga socda inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya deegaanka Xaaji Cali ee Sh/dhexe ayaa sheegaya in iska hor'imaad xooggan uu halkaas ku dhaxmaray xoogag jihaadi ah iyo ciidamada shisheeyaha AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jabaqda rasaas ay isdhaafsanayeen xoogaga Al Shabaab ee weerarka qaaday iyo ciidamada Burundi ee lagu weeraray saldhigga ay ka sameysteen Xaaji Cali oo ah deegaan hoos taga degmada Cadale.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items