Warbixin: Donald Yamamoto oo shaaciyay sababta Mareykanku ugu lug leeyahay duullaanka Soomaaliya.

Wednesday May 06, 2020 - 17:05:13 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Donald Yamamoto oo shaaciyay sababta Mareykanku ugu lug leeyahay duullaanka Soomaaliya.

    Mas'uul katirsan dowladda Mareykanka ayaa bixiyay caddeymo hor leh oo ku saabsan sababta ay ciidamada Mareykanka uga qeyb qaadanayaan dagaallada ka socda dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uul katirsan dowladda Mareykanka ayaa bixiyay caddeymo hor leh oo ku saabsan sababta ay ciidamada Mareykanka uga qeyb qaadanayaan dagaallada ka socda dalka Soomaaliya.


Donald Yamamoto oo ah safiirka Washington ee magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in sababta uu Mareykanku ugu lug leeyahay loollanka caalamiga ah ee ka socda Soomaaliya uu yahay sidii uu udhuran lahaa mustaqbalka dhow kheyraadka dhax ceegaaga dalkan istiraatiijiga ah ee dhaca bariga qaaradda Afrika.

Yamamoto oo uu wareystay machad qaabilsan dabagalka waxa loogu yeero Argagaxisada oo fadhigiisu yahay dalka Mareykanka ayaa ugu horrayn isku sheegay in uu yahay khabiir muhiim u ah wasaaradda arrimaha dibadda uuna kasoo shaqeeyay wadammo dhowr ah.


Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa carrabaabay in ku lug lahaashiyahooda dagaalka Soomaaliya uu yahay mid leh aragti fog oo ku dhisan sidii uu ugacanta ugu dhigi lahaa dhaqaalaha iyo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka uuna noqon lahaa awood looga haybaysto mandiqadda oo idil.

"Marka ay timaado Quwadaha caalamiga ah ee tartanka nagula jira sida China iyo Russia mid kamid ah waxyaabaha ay danaynayaan waa kheyraadka ka imaan doona bariga Africa, sababtoo ah marka aad fiiriso mustaqbalka halka laga heli dooni macaadinta dhif dhifka ah iyo birta culus waa bariga Africa,dhammaan taleefanada gacanta ee aad isticmaali doontaan iyo dhammaan hubka mustaqbalka ee Technolojiga ah waxaa laga heli doonaa geeska Africa gaar ahaan mandiqada bariga africa taasi waa sababta dowladda Maraykanku ay u joogto halkaas waana sababta aan isha ugu hayno qaarada"ayuu yiri Yamamoto.

Mas'uulkan Americanka ah wuxuu si aan gambasho laheyn u sheegay in quwadaha caalamiga ah ee ku baratamaya bariga Afrika uu dhammaantood hunguri uga jiro kheyraadka qarsoon iyo midka muuqda ee mandiqadda oo Soomaaliduna kamid tahay.

"Maxaad u malaynaysaa in dowladdaha nala baratamaya ay ka rabaan Afrika? ma waxay kula tahay in ay danaynayaan Afrika? Iska iloow taas madaneeyaan qaarada kaliya waxay doonayaan waa kheyraadka qaaradda, maxaa yeelay kheyraadku waa furaha horumarka dhaqaale" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Mar la waydiiyay su'aal aheyd sidee Al-Shabaab ku abuurmeen? wuxuu yiri

"Markii ay burburtay Dowladdii dhexe waxaa dalka ka qarxay dagaal sokeeye markaas oo ay dadku bilaabeen inay raadiyeen sidii ku joojin lahayeen,kadibna waxay bilaabeen in ay xalka ka raadiyaan kooxaha Islaamiyiinta ah, mid kamid ah waxay ahayd Midowga Maxkamaddaha Islaamiga ah Dowladda Itoobiya ayaa howlgal Military oo ka dhan ah Maxkamadihii Islaamiga ahaa wadanka kusoo qaaday iyadoo ay si dhow ula shaqeyneysay dowladda Maraykanku taasi ayaa keentay in ay halkaas ka dhalato koox ka xoog badan kana sameyn badan, waa Kooxda Al-Shabaab"

Cilmi baare ka socday machadka lagu magacaabo Combating Terrorism Center ayaa Yamamota waydiiyay su'aalo ay kamid ahaayeen waxa uu Mareykanku ka damacsanyahay Soomaaliya, sida uu xaalku ahaan doono marka ay baxaan ciidamada AMISOM 2022 iyo arrimo kale.

Wuxuu sheegay in Mareykanku uu yahay midka leh Soomaaliya marka la eego dhaqaalaha iyo dadaallada melleteri ee uu ku bixiyay dalka isagoo dhintay ayaana soo noolaynay".

Mar lawaydiiyay sababta dagaalka soomaaliya ka socda ay AMISOM iyo xulufadeeda uga gacan siinayaan wuxuu ku sheegay in haddii aan sidaas layeelin ay halis ku jiraan Safaaradeheena gobolka sida tan Itoobiya iyo Jabuuti.

Ugu dambayn Donald Yamamoto ayaa sheegay in haddii ciidamada AMISOM laga saaro Soomaaliya uu habacsanaan ku imaan doono mashruucii ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada basle ay kaashan doonaan waxa uu ugu yeeray ciidamada falgelinta degdegga bariga Afrika oo uu ula jeedo xabashida Itoobiya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items