Dowladda Kenya oo xayiraad kusoo rogtay xaafadda Islii iyo magaalada Mombasa.

Thursday May 07, 2020 - 08:14:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kenya oo xayiraad kusoo rogtay xaafadda Islii iyo magaalada Mombasa.

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in xayiraad rasmi ah lagusoo rogay xaafadda Soomaalidu ku badantahay ee Islii oo kutaal magaalada Nairobi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in xayiraad rasmi ah lagusoo rogay xaafadda Soomaalidu ku badantahay ee Islii oo kutaal magaalada Nairobi.


Xoghayaha guud ee wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa sheegay in shalay oo kaliya wadanka lagasoo calaamadeeyay kiisas Carona Virus ah kuwaas oo gaaraya 45 qof.

Dadka laga helay cudurka Carona badankood waxay ku suganyihiin xaafadda Islii ee soomaalidu ku badantahay 29 qof oo ka kala yimid Muqdisho iyo Wajeer ayuu Virusku soo ritay sida uu sheegay Mutahi Kagwe oo ah xoghayaha guud ee wasaaradda caafimaadka Kenya.

Sidoo kale dowladda Kenya ayaa xaalad bandaw ah gelisay magaala xeebeedka Mombasa iyo degmada Kawangware oo lagasoo calaamadeeyay 24 kiis, Kenya waxay kamid tahay dalalka bariga Afrika ee uu sida xowlliga ah ugusii dhax faafayo caabuqa Covid19.


Cadaadiska iyo xayiraadaha ugu daran ayay maamulayaasha Kenya saarayaa shacabka Soomaalida ee ku dhaqan dhulka NFD iyo xaafadda Islii waxaana la rumaysanyahay in tallaabadani ay qeyb ka tahay cuuryaaminta dhaqaale ee ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

 ku darso Facebook-ga Liibaan Jeexoow si aad u hesho xog dheeraad ah
https://www.facebook.com/wararhuban

Related Items