Dowladda Mareykanka oo dalbatay lacago Ammaah ah iyo Trump oo ka cabaaday Covid19.

Thursday May 07, 2020 - 10:28:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Mareykanka oo dalbatay lacago Ammaah ah iyo Trump oo ka cabaaday Covid19.

    Hoos udhacii ugu ballaarnaa ayaa ku yimid dhaqaalaha dalka Mareykanka tan iyo sanadii 2008 xilligaas oo fuuq bax dhaqaale ku habsaday wadamada reergalbeedka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoos udhacii ugu ballaarnaa ayaa ku yimid dhaqaalaha dalka Mareykanka tan iyo sanadii 2008 xilligaas oo fuuq bax dhaqaale ku habsaday wadamada reergalbeedka.


Xukuumadda Washington ayaa iclaamisay in ay amaanahayso lacag gaaraysa 3 trillion oo doollar si ay ugu maarayso mixnadda ka dhalatay caabuqa Covid19.

Golayaasha Mareykanka ayaa isku raacay in lacagtan daynta ah ay qaadato xukuumadda oo miizaaniyadeeda uu saameeyay hoos udhaca dhaqaale ee ka dhashay Carona Virus.

Wasiirka Keydka Mareykanka ayaa warbaahinta u sheegtay in lacagta daynta ah ee lagu leeyahay dalkiisa ay gaartay 25 trillion oo dollar, isku geynta lacagta daynta ah ee lagu leeyahay dowladda Mareykanka waxay udhigantaa 14% dhaqaalaha guud ee dalka Mareykanka.


Khubarada dhaqaalaha waxay sheegayaan in lacagtan daynta ah ee Mareykanku uu dalbaday uu shan jibaar ka badanyahay dhibaatadii maaliyadda ee wadankaas ku habsatay sanadii 2008.

Dhinaca kale madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in khasaaraha uu dalkiisa dhaxalsiiyay Carona Virus uu ka badanyahay khasaarihii ka dhashay weeraradii 11 September ee sanaddii 2001 ay Al Qaacidda ka fulisay magaalooyinka New York iyo Washington iyo weerarkii Pearl Harbor ee melleteriga Japan ay ku burburiyeen saldhig ciidanka oo ciidanka Americanka ay ku lahaayeen badda gunteeda.

Cudurka Carona ayaa gallaaftay nolosha 74 kun ruux American ah isagoona soo ritay dad ka badan 1.26 malyan oo ruux, Mareykanka waa dalka koowaad ee caalami ahaan ladhibaataysan caabuqa Covid19.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

ku darso Facebook-ga Liibaan Jeexoow

Related Items