Fatahaado iyo daad saameyn reebay oo ku dhuftay wadanka Itoobiya.

Thursday May 07, 2020 - 11:50:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fatahaado iyo daad saameyn reebay oo ku dhuftay wadanka Itoobiya.

    Roobab daadad wata oo ku dhuftay wadanka Itoobiya ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roobab daadad wata oo ku dhuftay wadanka Itoobiya ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac leh.


Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in ugu yaraan 26 qof ay dhinteen tira kalane lala'yahay kadib markii ay roobaba guga oo daadad wata ku dhufteen inta badan gobollada wadankaasi.

War rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda Addis Ababa ayaa lagu sheegay in roobabku ay maasheeyeen dhul kumanaan kun oo Kiillow mitir ah islamarkaana ay barakaceen dad ka badan 220-kun oo ruux.

Demene Darota oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga ka hortagga musiibooyinka Itoobiya ayaa warbaahinta u sheegay in roobab mahiigaan ah iyo fatahaad ay sameeyeen Wabiyada ay sababeen musiibo.


"Inta aan diiwaan gelinay dhimashadu waa 23 ruux balse khatartu waa mid wali dhiman oo dalka Itoobiya badankiis waxaa ka jira fatahaado iyo daadad roobabka ka dhashay" sidaas waxaa yiri Demene Darota.

Warbaahinta maxalliga ayaa dhimashada gaarsiinaysa 26 ruux oo ubadan dadka degan dhulalka togaga ku dhow, magaalooyin dhowr ah oo katirsan dhulka gummeysiga kujira ee Soomaaligalbeed ayaa la sheegay in wabiga Shabelle uu ku fatahay sida magaalada Qallaafe.

Wadamo dhaca geeska qaaradda Afrika oo ay kamid yihiin Soomaaliya,Kenya iyo Itoobiya waxaa ka da'aya roobab mahiigaan ah iyadoona ay barbar socdaan fatahaado saameyn ba'an reebay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

ku darso Facebook-ga Liibaan Jeexoow

Related Items