Weerar gaari looga furtay ciidanka dowladda oo ka dhacay duleedka Balcad.

Friday May 08, 2020 - 14:37:46 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Weerar gaari looga furtay ciidanka dowladda oo ka dhacay duleedka Balcad.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubaysan oo ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubaysan oo ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.


Wararka ka imaanaya wadada laamiga ah ee isku xirta Balcad iyo Jowhar ayaa sheegaya in weerar dhabagal ah uu maanta duhurkii qabsaday kolonyo ciidamo ah xilli ay ku socdaalayeen meel ku dhow deegaanka Qalimoow.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarka lagu dilay 1 askari islamarkaana ay ku dhaawacmeen Afar askari, ciidamada Al Shabaab ee weerarka dhabagal ah fuliyay ayaa gacanta ku dhigay gaari Cabdi bile ah oo ay lahaayeen maleeshiyaadka dowladda.


Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladda goobihii lagu dagaallamay ay tahay mid deggan iyadoona dagaalyahanadii weerarka qaaday ay si nabad gelya ah dib uga gurteen goobta iyagoo wata gaari dagaal iyo saanado hub ah oo ay ka qabsadeen maleeshiyaadka dowladda

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

ku darso Facebook-ga Liibaan Jeexoow

Related Items