Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyay Weerar lagu dilay madaxii Ciyaaraha degmada Afgooye.

Friday May 08, 2020 - 14:39:44 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 3
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyay Weerar lagu dilay madaxii Ciyaaraha degmada Afgooye.

    Rag hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay gudaha degmada Afgooye ku dilay mas'uul katirsan maamulka Koonfur galbeed ee gacan saarka laleh dowladda Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay gudaha degmada Afgooye ku dilay mas'uul katirsan maamulka Koonfur galbeed ee gacan saarka laleh dowladda Itoobiya.


Wararka ka imaanaya Sh/hoose waxay sheegayaan in xoogag hubaysan ay dileen Cabdi Weli Colaad Qanyare oo ahaa madaxii Ciyaaraha degmada Afgooye, war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarka lagu dilay madaxii Sportiga Afgooye.

Dhinaca kale weeraro isugu jiray dilal iyo qaraxyo ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo deegaano Sh/hoose katirsan.

Wararka ka imaanaya deegaanka Warmaxan ayaa sheegaya in maanta barqadii halkaas qarax lagula beegsaday ciidamada dowladda ee lagu tababaray saldhigga Balidoogle, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu burburiyay gaari booyad ah.


Weerar kale oo maanta ka dhacay deegaanka Lambar60 ayaa sababay dhimashada sarkaal katirsanaa guutada 12aad ee ciidamada dowladda kaasi oo lagu magacaabi jiray Abshir Gaay Gaay.

Sidoo kale weerar ka dhacay gudaha Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkaynleey ayaa lagu dilay askari iyadoona laga qaatay qori AK47 ah oo uu ku hubaysnaa.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items