Hormuud Foundation iyo Salaam Bank oo deeq gargaar ah gaarsiiyay Haween danyar ah.

Friday May 08, 2020 - 12:13:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hormuud Foundation iyo Salaam Bank oo deeq gargaar ah gaarsiiyay Haween danyar ah.

    140 haween danyar ah ayaa ka faa'ideystay deeq lacageed oo Hey'adda Samafalka Hormuud iyo Salaam Bank ay gaarsiiyeen, iyadoo munaasabada lagu qeybinayay deeqdan oo ka dhacday xarunta dhalinyarada Gobolka Banaadir ay soo qaban qaabisay Guddo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

140 haween danyar ah ayaa ka faa'ideystay deeq lacageed oo Hey'adda Samafalka Hormuud iyo Salaam Bank ay gaarsiiyeen, iyadoo munaasabada lagu qeybinayay deeqdan oo ka dhacday xarunta dhalinyarada Gobolka Banaadir ay soo qaban qaabisay Guddoomiyaha Haweenka Gobolka banaadir Jawaahir Baarqab.



Madaxa Hey’adda Hormuud Foundation iyo Salaam Bank Foundation C/llaahi Nuur Cusmaan oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in deeqdan ay qeyb ka tahay barnaamij lagu kaalmeenayo dadka danta yar oo dhowaanahan ay wadeen, isagoo hoosta ka xariiqay in iyada oo laga duulayo shaqa la’aanta ka dhalatay Covid-19 ay deeqdan soo gaarsiiyeen haweenkan danta yar.

Haweenka danta yar ee maanta loo qeybiyay deeqda lacagta ah ayaa ka mahad celiyay kaalmada maanta ay soo gaarsiiyeen Hormuud iyo Salaam Foundation, iyagoo tilmaamay in xilligii ay u baahnaayeen la soo gaarsiiyay,



Dhinaca kale C/llaahi Nuur Cusmaan ayaa sheegay in shirkada Hormuud ay gacan ka geysaneyso dhismaha qeybta labaad ee loogu tala galay in lagula tacaalo dadka qaba xanuunka covid-19, iyadoo sidoo kale gaadiidka gurmadka degdega ee Ambalaaska ku xoojiyeen isbitaalka Martini oo ah halka lagula tacaalo dadka uu soo rito xanuunka covid-19.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in maalin kasta Hormuud iyo Salaam Bank Foundation ay ka qeyb qaataan afurinta dad badan isaga oo sheegay in lacag gaaraysa 10.00 oo doolarka mareekanka lagu afuriyo dad aad ufara badan oo dan yar ah.

Barnaamijka lagu taakuleynayo dadka danta yar ayaa Hormuud iyo Salaam Foundation waxaa maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana ay kafaa’iideysteen dad aad u fara badan, iyadoo madaxda hay’ada ay balanqaadeen in ay sii laba jibaari doonaan wax u qabashada dadka danta yar.


Related Items