Dhaawac Weyn oo gaaray dhaqaalaha Mareykanka iyo 78,000 American ah oo Carona udhintay.

Saturday May 09, 2020 - 11:46:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaawac Weyn oo gaaray dhaqaalaha Mareykanka iyo 78,000 American ah oo Carona udhintay.

    Khasaara lixaad leh ayaa gaaray dhaqaalaha dalka Mareykanka sababa laxiriira cudurka safmareenka ah ee Carona Virus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa gaaray dhaqaalaha dalka Mareykanka sababa laxiriira cudurka safmareenka ah ee Carona Virus.


Warbixin rasmi ah oo soo baxday ayaa sheegaysa in dad ka badan 20.5 Malyan oo qof ay shaqadooda waayeen muddo bilood gudahood oo kaliya.

Dhaqaalayahannada Americanka ah waxay sheegeen in shaqa la'aantan ku habsatay dadka Mareykanka mid lamida ay dhacday waqti hadda laga joogo 90 sanadood, wargeyska Wall Street Journal ayaa warbixin uu daabacay ku sheegtay in heerka baaga muundada Mareykanka ay gaartay 14.7%.

Donald Trump oo tacliiqiyay musiibada dalkiisa ku habsatay ayaa sheegay in dhibaatadan ay aheyd mid lafilayay tan iyo markii uu dilaacay caabuqa Covid19 balse wuxuu saadaaliyay in sida ugu dhaqsiyaha badan loogasoo kabsan doono.


Dhinaca kale kumanaan kun oo ruux American ah ayaa shalay oo kaliya udhimatay Carona Virus, 1743 ruux ayaa maalintii jimcaha dhimasho loo diiwaan geliyay.

Dhimashada guud ee Carona uu ka geystay dalka Mareykanka ayaa gaartay 78,200 oo ruux waana tiro aad uga badan saadaashii uu horay usameeyay Trump, Mareykanku waa dalka koowaad ee caalamka ladhiban caabuqa Covid19.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items